Borama News Network

Mareykanka Oo Sheegay In Ay Kordhinayaan Duqeymaha Ay Ka Fuliyaan Buuraha Gobolka Bari

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa  magaalada Boosaaso kula kulmay Taliyaha Hawlgalada Gaarka ah ee Maraykanka ee Bariga Afrika, Colonel Ed Norris, iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta amniga, gaar ahaan hawlgallada Puntland ee ka dhanka ah Daacish, iyada oo dhinacyada wadaageen Warbixinno la xiriira dardar galinta dagaalka ka socda Buuraleyda gobolka Bari.

Madaxweyne Deni ayaa uga mahadceliyay dowladda Maraykanka taageerada cirka ah ee ay ku garab istaagtay dagaalka ka socda buuraleyda Calmiskaad.

Saraakiisha Maraykanka ayaa dhankooda sheegay in ay sii wadi doonaan, kordhinayaana Duqeymaha culus ee ay ka fulinayaan Buuraleyda gobolka Bari.

Related posts

Duqa Magaalada Muqdisho Oo Ciidanka Amaanka Ugu Baaqay In Ay Talaabo Adag Ka Qaadaan Ganacsato Isku Sheega

Abdiaziz Bnnstaff

Mareykanka oo digniintii ugu adkayd u diray Israa’iil

Abdiaziz Bnnstaff

Reer Somaliland Iyaga Ayaa Somali Oo Dhan Isku Keenay Maantan War Baa Leh..”Faysal Cali Waraabe

Abdiaziz Bnnstaff