Borama News Network

Ciidamada Puntland oo howlgallo ay ka fuliyeen Buuraha Caalmiskaad ku qabtay hub iyo Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howlgallo ay Ciidanka Puntland ka fuliyeen deegaannada buuraleyda ee gobolka Bari, sida saraakiisha Amniga ay tilmaameen.

Howlgallada ayaa si gaar ah uga dhacay deegaannada buuraleyda ee Miiraale, gaar ahaana tuulada Bocol, oo ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Daaciisga.

Saraakiisha dhinaca Amniga ee wada howlgallada ayaa sheegay in ay dul tageen qaar kamid ah meydadka xubnaha Daacish oo lagu dilay duqeymaha maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay gobolka Bari.

Sidoo kale, Saraakiisha ayaa sheegay intuu howlgalka socday in ay heleen keydka hubka Daacish oo ay ku jireen diyaaradaha nuuca loo yaqaan Drones.

Maalmihii la soo dhaafay Dowladaha Mareykanka iyo Imaaraadka ayaa duqeymo culus ka fulinayay buuraha gobolka Bari, kuwaasi oo khasaare lagu gaarsiiyay xubanaha Daacish.

Related posts

“Kulmiye Weligay Ma noqon Anigu, Waddanina…” Guddoomiyaha Komishinka Doorashooyinka Qaranka

Abdiaziz Bnnstaff

“Dawladda Xamar Ayaa Dishay Wiilkaygii Cabdinaasir”Aabaha dhalay Cabdinaasir Muuse Dahable

Israa’iil Oo Heegan Gashay Kaddib Weerarkii Lama Filaanka Ahaa Ee Iiraan

Abdiaziz Bnnstaff