Deg Deg Qarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Qaraxaasi

Faah faahin ayaa laga helayaa Qarax xoogan oo dhowr daqiiqo kahor ka dhacay Magaalaad Muqdisho gaar ahaan meel aan sidaas uga fogeyn Bar koontarool oo ku taalla Isgoyska Sayidka ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxaas oo ahaa gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa ku qarxay meel ku dhow Bar koontarool oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka, waxaana gaariga nuuciisu ahaa NOHA.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in gaariga uu markii horey xoog kusoo maray Koontarool Ciidanka dowladda ku leeyihiin oo ku yaalla Isgoyska Dabka, hayeeshee Ciidanka ay rasaas badan ku fureen gaariga, sidaasina uu qarxay.
Warar hordhac ah oo la helayo ayaa sheegaya in qaraxaas uu ka dhashay khasaaro kala duwan oo gaaray dad shacab ah oo ku sugnaa hareeraha laamiga, in kastoo aan si dhab ah loo cadeyn inta uu la egyahay.

Gaadiidka gurmadka deg dega ah ayaa goobta tegay, isla makaana la sheegay in gaadiidka lasoo saaray dad qaba dhaawacyo, kuwaasi oo la geeyay Xarumo Caafimaad oo k yaalla Magaalada Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ayaa xiray aaga uu qaraxu ka dhacay, isla markaana dadka u jeedaya inay goobta ka agdhawaan, waxaana halkaas ka socda gurmad loo sameeynayo dadka waxyeelada soo gaartay.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Sheekh Maxamed Idirs Oo Shaaciyay In Halyayaasha Reer Falastiin Ka Guulaysteen Yuhuuda

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwaynaha Dalka Turkiga Rajab Tayib Erdogan Oo Markale Weeraray Sweden Iyo Finland

Bnnstaff Bnnstaff

Aabe 66 Jir Ah Oo Ay Alshabaab Ka Fogaysay Caruurtiisii Iyo Xaaskiisiiba Iyo Warbixin Laga Diyaariyay

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More