Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa dalka Fransiiska kulan kula qaatay Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dalkaas.
Labada madaxweyne waxay ka wada hadleen xoojinta xiriirka labada dal, arrimaha amniga iyo dhaqangelinta heshiis horey u dhexmaray Jabuuti iyo Faransiiska.
Dhanka kale, waxaa Paris ka dhacay dibadbaxyo looga soo horjeeday dowladda Jabuuti isla markaana lagu codsanayay in la sii daayo duuliye Fu’aad Yuusuf Cali oo ku xiran Jabuuti.
Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa dhawaan socdaal ku tegay Magaalada Paris ee Caasimadda dalka Fransiiska, iyagoona halkaas uu ka dhacay Banaanbax ka dhan ah Jabuuti.
Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com