Borama News Network

Shiinaha Oo Wacad Ku Maray Inuu Dagaal Adag La Geli Doono Canshuuraha Trump

Shiinaha ayaa si adag uga jawaabay hanjabaaddii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ee ahayd in uu Beijing soo rogi doono canshuur dheeri ah oo 50% ah haddii aanay ka noqon cashuurta aargoosiga ah ee ay ku dhawaaqday Talaadadii.

Wasaaradda ganacsiga ee Shiinaha ayaa sheegtay in aanay marnaba aqbali doonin waxa ay ugu yeedhay “nooca baad ah oo Maraykanku samaynayo” waxayna ku waxaanay wacad ku martay in ay “dagaallami doonaan illaa dhammaadka.” Falanqeeyayaashu waxay sheegayaan in khilaafkaani uu kordhinayo suurtogalnimada dagaal ganacsiyeed calami ah oo si weyn u saamayn kara dhaqaalaha adduunka.

Canshuuraha cusub waxay sababi karaan in shirkadaha Maraykanka qaarkood oo alaabaha ka keena Shiinahu ay wajahaan canshuur dhan 104%.

Suuqyada intooda badan ee Aasiya ayaa si caadi ah u furmay Talaadada maanta ah, inkastoo Taiwan ay la kulantay hoos-u-dhac kale oo dhan 4%. Suuqyada saamiyada ugu waaweyn Yurub – oo ay ku jirto FTSE 100 ee London – ayaa dhammaantood xidhmay iyadoo 4% hoos-u-dhac ah la kulmay Isniintii.

Related posts

Waxa Dagaal Igaga Socda Buurta Gacan Libaax Waad Yaabaysaa” Wasiir Shukri Baandare

Taliska Milatariga Ah Ee Ka Arimiya Dalka Myanmar Oo Sii Daynaya Ku Dhawaad 6000 Maxaabiis Ah

Abdiaziz Bnnstaff

Xuutiyiinta Oo Markii Ugu Horeysay Weeraray Markab Marayay Badda Mediterranean-ka

Abdiaziz Bnnstaff