Safiirka Maraykanka Ee Somaliya Donald Yamamoto Oo Dalab Hordhigay Farmaajo Iyo Madaxda M/Goboleedyada

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa mar kale ka hadashay is marin waaga ka taagan qabsoomida doorashada dalka Soomaaliya ka dhaceysa, xili uu dhammaaday muddo xileedka Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Qoraal uu saaray Safiirka Mareykanka ee Donald Yamamoto ayaa waxaa uu Madaxad dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada ku booriyay inay xaliyaan qodobada la isku haayo ee doorashada, si loo fuliyo heshiiskii 17-kii September 2020 laga gaaray doorashada.
Sidoo kale Safiir Yamamoto ayaa sigaar ah Madaxda ugu dalbaday inay heshiis ka gaaran qodobadii la isku mari waayay Shirkii Madaxda ku yeesheen Magaalada Dhuusamareeb ee fashilka kusoo dhammaaday.

Waxaa uu tilmaamay Safiirka in muhiim ay tahay in doorashada lagu qabto muddo kooban, iyadoona la hirgelinayo heshiiskii 17-kii September 2020 lagu gaaray Magaalada Muqdisho, iyagoona xusay in la joogo waqtigii la muujin lahaa rabitaan cadaaladeed.

Qoraalka uu soo saaray Safiirka Mareykanka ayaa waxaa uu kusoo beegmayaa, iyadoo saacad kahor Beeshs Caalamka ay digtay dib u dhac ku yimaada Shirka uu Farmaajo ku baaqay, kaasi oo la qorsheeya inuu ka dhaco Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Siyaasi Abgaal Oo Ka Warbixiyay Waxyaabaha Uu Ku Arkay Deegaanka Buurta Surad

Bnnstaff Bnnstaff

Akhriso:- Daraasad Cusub Oo War Farxad Leh u Sheegtay Dadka Dhafra

Bnnstaff Bnnstaff

Siyaasi Cabdisalaan Yaasiin Oo Ka Hadlay Siyaasada Somaliland Iyo Safarkii Muuse Biixi Ee Jabuuti

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More