Borama News Network

Maraykanka Iyo Iiraan Oo Mar Kale La Filayo In Ay Ka Wada Hadlaan ‘Heshiis Nukliyeerka ah’

Mareykanka iyo Iiraan ayaa Sabtida yeelan doona “wadahadallo toos ah” oo ku saabsan heshiis suuragal ah oo kuu aaddan nukliyeerka, sida uu sheegay Donald Trump.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa sidoo kale xaqiijiyay kulanka, isaga oo sheegay in wadahadalladu ay noqon doonaan kuwo “aan toos ahayn” balse ay noqon karaan “fursad iyo imtixaan labadaba”.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa Isniintii sheegay in wadahadallada Washington iyo Tehran ay noqon doonaan “kuwo heer sare ah” isla markaana uga digay Iiraan in ay u noqon doonto “maalin aad u xun” haddii aan heshiis la gaadhin.

Bishii hore, Trump wuxuu kor u qaaday suurtagalnimada weerar militari oo ka dhan ah Iiraan kadib markii hogaamiyaha sare ee Iiraan, Ayatollah Ali Khamenei, si cad u diiday dalabka wadahadallo toos ah.
Trump ayaa shaaciyay wadahadalladaas, kadib kulan uu Aqalka Cad kula qaatay ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, oo isna horey u muujiyay suuragalnimada weerar ka dhan ah Iiraan si loo joojiyo in ay hub nukliyeer ah hesho.

Isagoo ka hadlayay xafiiskiisa Oval Office, Trump ayaa sheegay: “Waxaan leenahay kulan aad u weyn Sabtida [Iiraan], waxaana si toos ah ula macaamilaynaa iyaga… Waxaa laga yaabaa in heshiis la gaadho, taas oo noqon lahayd mid aad u fiican.”

Trump wuxuu sidoo kale sheegay in Iiraan ay wajihi doonto “khatar weyn” haddii wadahadalladaasi guulaysan waayaan, isagoo raaciyay: “Iiraan ma yeelan karto hub nukliyeer ah, haddii wadahadalladu fashilmaan, runtii waxaan aaminsanahay inay noqon doonto maalin aad ugu xun Iiraan.”

Madaxweynuhu faahfaahin dheeraad ah kama bixin wadahadallada, sida heerka ay marayaan ama mas’uuliyiinta ku lugta leh.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa xaqiijiyay in Washington iyo Tehran ay ku kulmi doonaan Cumaan 12ka Abriil.
Abbas Araqchi, wasiirka arrimaha dibedda Iran ayaa ku qoray barta X: “Waa fursad iyo imtixaan labadaba. Kubaddu hadda waxay la taallaa garoonka Mareykanka.”

Bishii Maarso, Trump wuxuu waraaq u mariyay hogaamiyaha Iiraan isagoo adeegsanaya wakiil ka socda Isutagga Imaaraadka Carabta, wuxuuna ku muujiyay diyaar u ahaanshihiisa inuu wadahadal la furo.

Dalabkaas Iiraan way diidday, inkasta oo hoggaankeeda uu muujiyay diyaar u ahaansho in la galo wadahadallo la xidhiidha heshiis suuragal ah oo lala gaadho Mareykanka iyada oo loo marayo dhinac saddexaad.

Xakameynta awoodda Iiraan ee dhismaha hubka nukliyeerka ah waxay muddo tobanaan sano ah ahayd ujeeddo siyaasadeed oo weyn oo ay ku haminayaan Mareykanka iyo xulafadiisa.

Sanadkii 2015, madaxweynihii waqtigaas Barack Obama wuxuu la galay heshiis Iiraan kaas oo dhigaya in Iiraan ay xaddido hawlaheeda nukliyeerka ah, una oggolaato kormeerayaal caalami ah inay galaan dalka si loo xaqiijiyo in xarumahaasi loo adeegsanayo ujeeddooyin rayid ah oo aan lagu samayn hub.

Sidaa darteed, Iiraan waxaa la siin lahaa ka-dhaafid cunaqabateynta dhaqaale ee si weyn u dhaawacday dhaqaalaha dalkaasi.

Heshiiskaas waxaa sidoo kale saxiixay Shiinaha, Faransiiska, Jarmalka, Ruushka iyo Boqortooyada Midowday (UK).

Si kastaba ha ahaatee, sanadkii 2016, Trump ayaa si lama filaan ah Mareykanka uga saaray heshiiskii, isagoo aad u dhaliilayay intii uu ku jiray ololihiisii ugu horreeyay ee madaxweynenimo.
Sannadihii xigay, Iiraan waxay si tartiib tartiib ah u jebinaysay shuruudihii heshiiska.

Hay’adda Caalamiga ah ee Tamarta Atomiga (IAEA) ayaa digniin ka bixisay in Tehran ay urursatay kayd balladhan oo uranium ah oo la kobciyay, taas oo loo adeegsan karo samaynta hub nukliyeer ah.

Bishihii la soo dhaafay, Trump wuxuu si isdaba joog ah u soo jeediyay in la galo heshiis cusub oo lala gaadho Iiraan, isagoo isla markaasna ku hanjabay tallaabo militari haddii aan la gaadhin heshiis.

Israa’iil waxay u aragtaa in laga hortago in Iiraan yeelato hub nukliyeer ah inuu yahay arrin muhiim u ah ammaankeeda mustaqbalka fog.

Warar soo baxay ayaa sheegaya in Israa’iil ay tixgelisay in ay weerarto xarumaha wax-soo-saarka nukliyeerka ee Iiraan bilihii u dambeeyay.

Sanadkii hore, Israa’iil waxay sheegtay inay beegsatay xarun nukliyeer ah oo Iiraan leedahay, si aargudasho ah, kaddib weerar gantaallo ah oo Iiraan horey u qaaday.

Isagoo ka hadlayay Aqalka Cad, Netanyahu ayaa sheegay: “Annaga iyo Mareykanku waxaan ka mideysanahay yoolka ah in Iiraan aanay waligeed helin hub nukliyeer ah.”

“Haddii arrintaas si diblomaasiyadeed lagu xallin karo, si dhamaystiran, sida looga xaliyay Liibiya, waxaan u arkaa in ay taasi tahay arrin wanaagsan.”

Related posts

“Madaxweynaha Waxan Leeyahay 34 Sanno Kadib In Jabhado Dalka Ka Jiraan..”Suldaanka Beelaha Makaahiil

Abdiaziz Bnnstaff

Inaga Oo Sidaas u Taagan Ayaa La Ansixin Doonaa Soomaaliya Ayeynu Ka Tirsanahay…” Gudoomiye Darawal Si Kulul U Hadlay

Abdiaziz Bnnstaff

Trump oo Iran ugu hanjabay inuu duqeyn aan horay loo arag ku beegsan doono

Abdiaziz Bnnstaff