Borama News Network

Beesha Caalamka oo war ka soo saartay gogosha uu ku baaqay Madaxweyne Xasan Shiikh

Beesha Caalamka ayaa soo dhaweeyay gogosha Qaran ee uu fidiyay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, taasoo loogu yeeray siyaasiyiinta iyo hoggaamiyaasha bulshada in ay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah AS iyo dhismaha dowlad federaal ah oo casri ah oo ku dhisan dimoqraadiyad.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wakiilada Beesha Caalamka ayaa ku baaqay in Madaxda Federaalka, Dowlad goboleedyada iyo Bulshada Rayidka in ay ka ka wada hadlaan Xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan dhammeystirka Dastuurka iyo Amniga.

Beesha Caalamka ayaa si gaar ah ugu mahadcelisay ciidamada ammaanka ee Soomaaliya iyo kuwa howlgalka AUSSOM ee Midowga Afrika, kuwaas oo ay ku ammaaneen hawlgallada ka socda gobollada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe.

Ugu dambeyntii, beesha caalamka ayaa ballan qaaday in ay garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, si loo dhiso qaran nabdoon, dimoqraadi ah, isla markaana barwaaqo ah.

Related posts

Daadad Tobnaan Kun Oo Qof Ku Saameeyay Jowhar Iyo Gaalkacyo

”Maanta Waxa Ugu Weyn Ee Aynu Qabanaynaa Waa Inaynu Dalka Badbaadino….” Gudoomiye Xirsi.

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwaynaha Dalka Kenya William Ruto Oo Saxeexay Xeer Cusub Oo Muran Dhaliyay Iyo Waxa Uu Yahay Xeerkaasi

Abdiaziz Bnnstaff