Borama News Network

Taliye Loo Heysto Inay Xabsiga Ka Sii Daysay Xidhiidh Jaceylna La Billowday Nin Ka Ganacsada Daroogada

Haweeney madax ka ah xabsi ku yaalla dalka Ingiriiska ayaa maxkamad la soo taagay iyada oo ku eedaysyan in ay xabsiga ka sii daysay nin ka ganacsada daroogada oo ay xiriir la yeelatay, kadib markii uu siiyay baabuur Mercedes ah oo qiimihiisu yahay £12,000.

Kerri Pegg, oo 42 jir ah, ayaa loo arkayay xubin firfircoon iyada oo u dallacday shaqooyin dhow ah ilaa ay ugu dambayn noqotay taliyaha xabsiga.

Laakiin waxaa lagu eedeeyay in jabisay xeerarka kaddib markii ay xidhiidh la bilowday maxbuus Anthony Saunderson, kaasoo siiyay gaadhi qaali ah, xilli ay madax ka ahayd xabsi ku yaalla magaalada Lancashire.

Markii booliska ay weerar ku qaadeen gurigeeda oo ku yaalla Orrell, Wigan, waxay ka heleen burushka cadayga oo lagu ogaaday haidde-sidaha DNA, sida maxkamadda laga sheegay. Ms Pegg waxay diidday laba eedeymood oo mid ka mid ahi tahay in ku tumasho dhinaca sharciga ah.

Related posts

“Nabad Galyo La`aantii Ciidamadu Xabad Degdega Ah Ayey Ridayaan…” Gudoomiye Saleebaan

Abdiaziz Bnnstaff

Xisbiga Wadani Oo Dhaliilo Xoogan U Jeediyay Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Somaliland Xasan Gaafadhi

Abdiaziz Bnnstaff

Axmed Cali Faarax: Farda Fuulkii Reer Sool Ee Filimkii Uu Jilaaga Ka Ahaa Uu Soo Jiitay Dunida

Abdiaziz Bnnstaff