Borama News Network

Soomaaliya iyo Masar oo dal ku galka ka dhaafaya Muwaadiniinta labada dal ee haysta Baasaboorka diblomaasiga

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa, ayaa lagu bogaadiyey howlgallada dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee socda qaar ka mid ah gobollada dalka.

Kulanka oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka, gaar ahaan guulaha laga gaaray howlgallada ka socda qeybo kamid ah gobollada dalka.

“Golaha Wasiirrada ayaa bogaadiyay geesiyaasha ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka ee ka qeyb qaadanaya halganka argagixisada lagu sifeynayo, iyada oo la xusay muhiimadda ay leedahay in la dardargaliyo taageerada lagu garab istaagayo ciidamada, lana xoojinayo wada-shaqeynta hey’adaha amniga iyo bulshada,” sida lagu yiri qoraal ka soo baxay shirka Golaha Wasiirrada.

Golaha, ayaa sidoo kale ansixiyey heshiis u dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Masar, oo ku saabsan in labada dowladdood ay ka dhaafaan Baasaboorka diblomaasiga shuruudaha dal ku-galka, tani oo oggolaanaysa in muwaadiniinta haysta ay si shuruud la’aan ah ku gali karaan, kagana bixi karaan muddo 90 maalmood ah.

Related posts

Hadii Caynabo Gobol Laga Dhigo Waxay Ka Dhigan Tahay In Sool La Fasaxay” Afhayeenka Ururka Waabari

Abdiaziz Bnnstaff

Maxaa sababay in Shirkadaha Gawaarida ee Uber iyo Lyft ay ku dhawaaqaan hakinta adeegyada Minneapolis?

Abdiaziz Bnnstaff

Dalalka Carabta Oo Diiday in Mareykanku Garoomadooda Ka Weeraro Dalka Iiraan

Abdiaziz Bnnstaff