Borama News Network

Warar dheeraad ah oo ka soo baxaya duqeymo culus oo ka dhacay deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan

Duqeymo xooggan ayaa laga soo warinayaa deegaanka Aboorey ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo ay fuliyeen diyaarado dagaal oo lagu beegsaday goobo ay ku sugnaayeen  Al-Shabaab.

Ilo-wareedyo xog ogaal ah ayaa sheegay in diyaaradaha dagaalka ay bartilmaameedsadeen fariisimo muhiim ah oo Al-Shabaab ay ku lahaayeen deegaanka, inkastoo aan wali si rasmi ah loo xaqiijin khasaaraha ka dhashay weeraradaas.

Dagaal culus oo socday saacado badan ayaa la sheegay inuu ka dhacay deegaanka Aboorey, iyadoo ay iska horimaadyo toos ah dhexmareen ciidanka milateriga Soomaaliya iyo Al-Shabaab.

Ciidamada dowladda oo garab ka helaya dadka deegaanka ayaa howlgallo ballaaran ka wada tuullooyinka hoos yimaada Aboorey, si ay u adkeeyaan gacan ku haynta deegaankan muhiimka ah oo istaraatiiji u ah dagaalka ka dhanka ah AS.

Related posts

Wiil Hooyadii U Dilay Arin Yaab Leh Oo Ay Dadkii Deegaankaasi Ka Argagaxeen Iyo Ninkii Oo Maxkamada La Horkeenay

Abdiaziz Bnnstaff

Dowladda Soomaaliya oo taageero Militeri weydiisatay Ciraaq oo horay uga soo adkaatay Daacish.

Abdiaziz Bnnstaff

Xisbiga Kulmiye oo taageerayashiisa ugu baaqay inay hambalyeeyaan Xisbiga ka guuleystay.

Abdiaziz Bnnstaff