Borama News Network

Raysal Wasaare Xamsa: “Reer Hargeysa calanka waa jecel yihiin, waxaan ugu baaqayaa midnimo”

Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo weli ku guda jira booqashada uu ku joogo magaalada Laascaanood ayaa khudbad uu xalay jeediyay waxa uu ku sheegay in SSC-Khaatumo tahay maamul ka tirsan Dawladda Federaalka Soomaaliya.

Raysalwasaaraha ayaa ugu baaqay saaxiibbada Soomaaliya in SSC-Khaatumo ay ula dhaqmaan sida maamul la mid ah maamullada kale ee Soomaaliya ka jira.

Xamse Cabdi Barre ayaa sidoo kale shaaciyay in SSC-Khaatumo ay qayb ka noqon doonto madsaha wada tashiga qaran ee Soomaaliya. “Khaatumo oo fadhiisata madasha wada tashigu waxay soo kordhin doontaa talo, caqli iyo ciidan, ” ayaa uu yidhi.

Raysalwasaare Barre ayaa sheegay “in qaran-jabkii Soomaaliya uu keenay in goobtii calanka laga taagay haddana laga diido isaga oo sidoo kale Somaliland ugu baaqay in ay ilaaliyaan midnimada oo sida uu sheegay ay iyagu hormuud u ahaayeen.”

“Gobollada waqooyi oo ay magaalada Hargaysa kow ka tahay, waa goobta ugu qiimaha badan ee calanka laga taagay, dadkeedana aan hubo in ay yihiin kuwo calanka aad u jecel. Laakiin waxa jirta taariikh khaldantay oo loo baahan yahay in la saxo oo uu keenay qaran-jabkii Soomaaliya.” Ayaa uu yidhi.

Related posts

In ka badan 100 askari oo ka tirsan ciidanka Jubbaland ayaa ku biiray Ciidamada Qalabka Sida.

Abdiaziz Bnnstaff

”In Dhowr Iyo Toban Sano Aan Dastuur Daba Taagnaano Ma’ahan, Waa In Aan Isbedel Samaynaa’.Raysal Wasaare Xamde Bare

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxweyne Maxamuud Cabaas: Falastiin waa in ay u midowdaa iska dhicinta Cadawgeeda.

Abdiaziz Bnnstaff