Borama News Network

Muxuu yahay hadalka muranka dhaliyay ee madaxweynaha Indoniisiya u jeediyay reer Falastiin?

Qorshaha madaxweynaha Indonesia, Prabowo Subianto uu ku doonayo in lagu daadgureeyo 1,000 Falastiiniyiin ah oo ku waxyeeloobay dagaalka Israa’iil iyo Xamaas ee Marinka Gaza ayaa dhaliyay muran xooggan oo dadka falanqeeyaa ay u arkaan “khalad weyn” oo dhalin kara mudaaharaadyo gudaha iyo dibadda ah.

Smith Al-Hadar, oo ah khabiir ku takhasusay arrimaha juqraafiga ee Bariga Dhexe, ayaa sheegay in madaxweynaha ay la gudboon tahay in uu ka digtoonaado falcelinta gudaha, maaddaama qorshaha muranka dhaliyay uu ku soo beegmay xilli dadka Indonesia ay ka walaacsan yihiin arrimo badan oo dhaqaale iyo mid siyaasadeed.

Dhanka dibadda, falanqeeyeyaasha ayaa ka cabsi qaba in qorshahan uu dhalin karo dibad-baxyo caalami ah, iyadoo wareejinta dadka Gaza ku nool la rumaysan yahay in ay halis gelinayso rajadii laga qabay dawlad Falastiin, maaddaama aanay jirin cid dammaanad qaadi karta in Falastiiniyiintan ay dib ugu laaban karaan dalkooda hooyo.

Related posts

Maraykanka Oo Walaac Xoogan Ka Muujiyay Saamaynta Uu Weerarka Aargudashada Ah Ee Iran Ku Yeelan Doono Danihiisa Bariga Dhexe

Abdiaziz Bnnstaff

“Dowlada Soomaaliya ha keento ciidii dalka soo galinaysay Hubka sharci darada ah”

Abdiaziz Bnnstaff

“Amxaar Aqoonsi ku heli Maysaan Reer Awdalna Somalilanimo kama Tagayaan” Abwaan Liiro Oo Afka Furtay

Abdiaziz Bnnstaff