Shil Khasaare Gaystay Oo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxay Shil gaari oo xalay fiidkii ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan wadada xiriisa Isgoyska Soobe ilaa iyo dan wadaagaha ee degmada Wadajir.

Shilkaas ayaa ka dambeeyay, kadib markii uu soo fariin goostay gaari nooca Soomaalida u taqaano iska rogaha ama Carro gediska oo ku socday xawaare ah, isla markaana uu soo jiiray gaadiid dhowr ah oo wadada marayay.
Goobjoogayaal la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in Darawalka waday gaariga uu xakameyn waayay bareega gaariga, sidaasina uu shilka ku dhacay, iyadoona markii dambe uu ku dhuftay tabeel wadada surnaa.

Inta la xaqiijiyay laba qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay shilka, kuwaasi oo loo qaaday Xarumo Caafimaad, waxaana halkaas gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka oo sameeyay baaritaano la xiriira shilkaas.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ayaa waxaa xiliyada qaarkood ka dhaca shilal kala duwan oo geysta khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo inta badan loo sababeeyo darawalada oo gaadiidka ku wada xawaare sare.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Akhriso Qisada Ninka Milyaneerka Ah Ee Yaraantiisa Qashinka Lagu Dhex Tuuray

Bnnstaff Bnnstaff

“Ku Bushaaraysta Xisbiyadii Way Furan Yihiine” Siyaasi Buuba Oo Soo Dhaweeyay Goaakii Maxkamada Sare

Bnnstaff Bnnstaff

Dab Khasaare Badan Gaystay Oo Ka Kacay Suuq Ku Yaalada Magaalada Muqdisho

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More