Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Oo Amar Cusub Kusoo Rogay Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay Guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Bnaadir iyo Mas’uuliyiin kale.

Kulanka Guddoomiye Cumar Finish iyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka ayaa waxaa looga hadlay soo laba kacleynta Cudurka halista ah ee Coronavirus oo kiisas dhowr ah todobaadyadii ugu dambeeyay laga diiwaan-geliyay dalka.
Inta uu socday kulanka ayaa waxaa diirada lagu saaray sida looga hortegi karo faafida Cudurka, maadaama uu mar labaad soo laba kacleeyay, isla markaana Wasaaradda Caafimaadka sheegtay inay jiraan dad ku dhintay xanuunka.

Guddoomiye Cumar Maxamuud Maxamed Finish ayaa Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka Banaadir faray in si deg deg ah dib loogu bilaabo ololaha wacyigalinta Cudurka safmarka ah ee Covid-19 oo dib u soo laba kacleeyey.

Kulanka ayaa waxaa goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigalinta ee maamulka gobolka Banaadir Basmo Caamir Axmed, agaasimaha waaxda caafimaadka dowladda hoose Dr. Maxamed Caddow iyo Taliyaha ilaalada Ciidanka deeganka Xamar.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Muqdisho:- Qaar Ka Mid Ah Waalidiinta Dhalinyo Tobabar Loogu Qaaday Eritrea Oo Banaanbax Dhigay

Bnnstaff Bnnstaff

Borama:- 68 Arday Oo Dhameeyay Xaftiga Quraanka Kariimka Oo Ka Qalinjabiyay Markaska Khadiija Bintu Khuwayda

Bnnstaff Bnnstaff

Armenia Oo Turkiga Ku Eedeysay Iney Diyaarad Dagaal Ka Soo Riidday

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More