Borama News Network

kumanaan qof oo ka qaxay xerada qaxootiga ee ugu weyn Suudaan

In ka badan toban kun oo qof ayaa ka qaxay xerada qaxootiga ee ugu weyn Suudaan labadii maalmood ee la soo dhaafay ka dib markii ay weerar abaabulan ay ku qaadeen xubno ka tirsan ciidamada gurmadka degdega ah.

Dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn ayaa sheegay in dadka rayidka ah ay ka tageen magaalada Zamzam ee galbeedka gobolka Darfur, waxayna u guureen magaalada Tawila oo – in ka badan todobaatan kiilo mitir u jirta.

RSF waxay sheegtay inay hadda gacanta ku hayaan xerada.

Wararka ku saabsan weerarradan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ku beegan tahay sannad-guuradii labaad ee kasoo wareegtay markii uu billowday dagaalka sokeeye ee u dhexeeya jabhadda RSF iyo ciidammada Suudaan.

In ka badan 100 qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan ugu yaraan 20 carruur ah iyo koox caafimaad ayaa lagu dilay weeraro xiriir ah oo dabayaaqadii todobaadkii hore ka billowday gobolka Darfur ee galbeedka Suudaan sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Related posts

“Xilkaygii waxaan ku waayay wadada Borama Iyo Lawyocade Oon Ka Shaqaynayay , Saajina waxaan leeyahay Sun lacabi maayo”Maariyihii Hore Ee Haayada Wadooyinka Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff

Magaalada Muqdisho Oo Si Wayn Loogu Diyaargaloobayo Maalmaha Xuriyada Ee 26ka June Iyo Kawda Luuliyo

Abdiaziz Bnnstaff

In ka badan 20 qof oo lagu dilay qarax ka dhacay waqooyiga Nigeria

Abdiaziz Bnnstaff