Xildhibaan Ilhan Omar ayaa si cad u sheegtay inaysan u tartami doonin kursiga Senate-ka ee Minnesota 2026, xilli laga filayay inay raadiso kursigaas, waxay ku dhawaaqday inay markale u tartamayso kursigeeda Golaha Wakiillada ee Mareykanka.
Ilhan oo la hadlaysay warbaahinta Minnesota Public Radio ayaa tiri: Xilligan xaasaasiga ah oo xuquuqdeenna la weerarayo, waxaa muhiim ah inaan iska difaacno fowdada iyo musuqmaasuqa maamulka Trump.”
Ilhan Omar oo horey ugu soo baxday doorashooyin adag ayaa hadalkan jeedisay kadib markii warar la isla dhexmarayay ay sheegayeen inay u tartami doonto Senate-ka.
Ilhan ayaa markii ugu horreysay la doortay sanadkii 2018, waxayna ka mid noqotay haweenkii Muslimiinta ahaa ee ugu horreeyay ee loo doorto Baarlamaanka Federaalka Mareykanka.