Borama News Network

Soomaaliya Oo Shirkado Maraykan Ah U Bandhigaty In Ay Shidaal Ka Baaraan Deegaanada SSC-Khaatumo

Safiirka dawladda faderaalka Soomaaliya ufadhiya Mareykanka, Dahir Xasan Carab, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in Soomaaliya ay diyaar u tahay sahminta iyo qodista shidaalka, gaar ahaan dhulka kheyraadka hodanka ku ah ee maamulka  SSC-Khaatumo.

Safiir Dahir ayaa qoraal uu ku daabacay bartiisa rasmiga ah ee X ee horay loogu magacaabi jiray (Twitter) waxaa uu shirkadaha tamarta ee Mareykanka ugu baaqay  in ay dib ugu soo laabtaan Soomaaliya si ay uga faa’iideystaan fursadaha shidaal ee aan weli la taaban ee Somaaliya ka jira

“Waxaan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqo in Soomaaliya  ay si rasmi ah ugu diyaarsantahay  qodista shidaalka. Waxaan si xushmad leh ugu casuumayaa shirkadaha tamarta dowladda  Mareykanka in ay dib ugu soo laabtaan Soomaaliya si ay uga faa’iideystaan fursadahan muhiimka ah,” ayuu yiri Safiir Dahir.

Safiirka ayaa sidoo kale waxaa uu muujiyay isbeddelada amniga iyo xasilloonida siyaasadeed ee Soomaaliya, isagoo xusay in aqoonsiga rasmiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ay siisay maamulka cusub ee SSC-Khaatumo.

Aqoonsiga la siiyay maamulka cusub ee SSC-Khaatumo ayaa la filayaa inuu gogol u furo dib u bilaabashada mashaariicdii horay hakad u galay, kuwaas oo ay saameeyeen khilaafaadka siyaasadeed iyo hubanti la’aanta sharciyeed.

Tallaabadan diblomaasiyadeed ee uu qaaday safiirka Soomaaliya Dahir Xasan Carab,  ayaa lagu tilmaamayaa mid istiraatiiji ah oo lagu doonayo in dalka loo furo maalgashiga caalamiga ah ee tamarta, Haddii si xikmad leh loo maareeyo tallaabadan waxaa la aaminsan yahay inay kor u qaadi karto kobaca dhaqaalaha, abuurto fursado shaqo, isla markaana xoojiso madaxbannaanida maaliyadeed ee Soomaaliya.

Related posts

Isra’il oo duqeyn ku dishay abaanduule sare oo ka tirsan Xisbullah

Abdiaziz Bnnstaff

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe Oo Umada Muslimiinta Iyo Shacabka Somaliland Ugu Hambalyeeyay Munaasibada Ciida

Abdiaziz Bnnstaff

Somaliland Oo Sheegtay In Ayna Dowlada Fadaraalka Somaliya Aanay Wax Lug Ah Ku Lahayn Doorashooyinka Ka Dhacaya Somaliland

Abdiaziz Bnnstaff