Guddoomiyaha Guddiga Farsamada Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, ahna Wasiirka Dastuurka Soomaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa sheegay in maalintii 1-aad horumar laga gaaray shirka Guddiyada uga socda baydhabo, kaas oo xalay xilli dambe soo gaaray.
Shirkii Guddiga Farsamada ee Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir wuxuu maalintii koowaad noogu idlaaday jawi wanaagsan, hawlihii lanoo igmadayna waxaanu ka gaadhnay horumar la taaban karo.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay ku rajo weyn yihiin in isu imaatinkan uu ibo-fur u noqdo is afgarad wanaagsan oo laga gaaro dhamaystirka qodobadii la isku haayay ee Shirarkii Magaalada Dhuusamareeb.
Warar soo baxayay ayaa waxaa ay sheegayeen in Cabdi Cali Raage oo ah La Taliyaha Madaxweyne Farmaajo oo gelinkii hore ee shalay ka soo muuqday Kulankii Guddiga Farsamada ee Baydhabo ka furmay ayaa xalay laga saaray shirkii Xubnaha Guddiga Farsamada ee u socda Dowadda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.
Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com