La-taliyaha Madaxwayne Farmaajo Oo Laga Saaray Shirka Guddiga Farsamada Ee Baydhabo Ka Socda

Cabdi Cali Raage oo ah La-taliyaha Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday Farmaajo ayaa waxaa xalay laga saaray Shirka Guddiga Farsamada dowladda Federaalka, dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir uga socda Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

La-taliye Cabdi Cali ayaa gelinkii dambe ee shalay kasoo muuqday Shirka u furmaya Guddiga oo looga hadlayo qodobada la isku mari waayay shirkii Madaxda dhawaan ku yeesheen Magaalada Dhuusamareeb, kaasi oo natiijo la’aan kusoo dhammaaday.

Warar lagu kalsoonaan karo oo la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Qaar ka mid ah xubnaha Guddiga Farsamada ee ka socda dowlad Goboleedyada ay dood ka keeneen in Cabdi Calo Raage shirka qeyb ka noqdo

Cabdi Cali Raage oo ah La-taliyaha Madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ayaa markii horey qeyb ka aheyn liiskii uu shaaciyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ee xilka sii-haya Maxamed Xuseen Rooble ee xubnaha Guddiga Farsamada ee kala matalayay heer Federaal, heer dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir.

Guddiga la magacaabay ayaa sidoo kale xalay Guddoomiye u doortay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac oo shirarkii xalay shir guddoomiyay.

Guddiga Farsamada oo ka kooban 14-xubnood ayaa shalay waxaa shir looga arrinsanayo qodobada lagu mari waayay ee shirkii dhawaan Madaxda dowladda, dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ku yeesheen Dhuusamareeb uga furmay Baydhabo, iyadoona furitaanka uu qadka Internet-ka uga qeyb galay RW Rooble.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews

BoramaNews.com

Related posts

Golaha Xuquuqda Aadanaha Ee Qarama Midoobay Oo Fadhi Degdeg Ah Ka Yeeshay Xaaladda Sudan

Bnnstaff Bnnstaff

32 Qof Oo Ku Dhintay Shil Tareen Oo Ka Dhacay Dalka Masar

Bnnstaff Bnnstaff

Dad Isku Qoys Ah Oo Ku Dhintay Shil Gaadhi Oo Ka Dhacay Puntland Iyo Faahfaahino Dheeraad Ah

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More