Borama News Network

Halis kale oo soo food-saartay dalka Sudan ee ay halakeeyeen dagaalada

Iyadoo ciidamada Suudaan ay isku dayayaan in ay xoojiyaan gacan ku heynta magaalada Khartoum oo ay awooddooda ku xoojiyaan ayaa kooxda ka soo horjeeda ee gurmadka degdega (RSF) waxa ay ku dhawaaqday in ay dhisteen dowlad cusub.

Xoogagga RSF iyo xulafadooda ayaa ku dhawaaqay in ay dhisteen dowlad bar-bar socota midda militariga Sudan oo ay ka hirgalinayaan deegaanada ay ka taliyaan.

Cabsida laga qabo in dalka uu labo u kala jabo ayaa kor u kacday tan iyo markii RSF iyo xulafadeeda ay heshiis nabadeed ku saxiixdeen Nairobi toddobaadyo ka hor.

Ciidamada dalka Sudan ayaa dib ula wareegay gacan ku heynta deegaano dhexe oo ay horey u maamuli jireen RSF-ta, waxaana ciidamada xooggasaarayaan imika sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen gobolka Galbeedka sudan ee Darfur.

RSF waxay raadinaysaa aqoonsi iyadoo xarun ka dhiganaysa gobolka Darfur. Aqoonsiga ayaa sidoo kale ka caawin doona inay ka qayb qaadato suuqa hubka.

Ciidanka dalka iyo kuwa RSF waxay ku tiirsan yihiin dalal ay ka mid yihiin Iran, Turkey, Saudi Arabia, Imaaraadka, iyo Ruushka.

Xabbad joojin ayaan la filayn in dhawaan la gaaro, iyadoo faragelinta shisheeye ee dagaalka ay sii kordhayso.

Related posts

Madaxwayne Trump Oo Shaaciyay in Uu Doonayo In Uu Gabi Ahaanba Uu Iibasao Qaza

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in ay “dambi” tahay haddii qofku uu waco qof ehelkiisa ah oo Al-Shabaab ku jira

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Xasan Sheekh “Caalamku Ma Yaqaan Dowlad Doorasho Dadban Dowlad Ku Noqota, Mana Na Aqbalaayo”

Abdiaziz Bnnstaff