Dad Farabadan Oo Ku Dhintay Doon Kula Degtay Haro Ku Taal Jamhuuriyada Dimuqraadiga Congo

60 qof ayaa ku dhimatay dad kale oo badana waa la la’ yahay kadib markii doon ay saarnaayeen ku degtay haro ku taala Jamhuuriyada dimuqraadiga Congo,DRC

Dowlada DRC ayaa sheegtay in doonta ay ku degtay harada Mai-Ndombe oo ku taala galbeedka dalkaasi.

Steve Mbikayi oo ah wasiirka arimaha bani’aadanimo iyo gargaarka dalka DRC ayaa sheegay in doonta ay siday dad ka badan intii loogu talo galay taana loo maleenayo sababta

Steve Mbikayi wuxuu tilmaamay in ay doonta siday 700 qof. 60 qof ayaa meydkooda la helay waxaana la soo badbaadiyay 300 oo kale sida uu sheegay Steve Mbikayi.

Waxaa soconaya gurmad xoog leh oo lagu baadigoobayo dadkii kale ee doonta saarnaa.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews

BoramaNewa.com

Related posts

Dagaal Khasaaro Geystay Oo Ka Dhacay Duleedka Baladweyne Iyo Faah Faahino Ka Soo Baxaya

Maxaa Dunida Ka Dhacay Maanta Oo Kale

Bnnstaff Bnnstaff

DAAWO:- Qodobada Laga Soo Saaray Shirkii Aragti Wadaaga Somalida Ee Machadka Heritage Ee Dalka Jabuuti

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More