Borama News Network

Mucaaradka Eritrea oo ku dhawaaqay in xafiiskooda Addis Ababa u adeegsaan doonaan “howlo militari”

Dhaqdhaqaaqa wax iska caabinta Eritrea ee lagu magacaabo “Brigade Nhamedu” ayaa ku dhawaaqay in xafiiska ay ka furteen Addis Ababa oo ay sheegeen inuu u adeegi doono sida “xafiis dhexe oo xarumo militari mustaqbalka.”

Hoggaanka dhaqdhaqaaqa ayaa BBC-da u sheegay in dadka Eritereeya ee ku biiraya dhaqdhaqaaqa Nhamedou ay “wadahadallo” kula jiraan dowladda Itoobiya sidii “dammaanad lagu heli lahaa.” Waxaa baraha bulshada la soo dhigay Muuqaal muujinaya xafladda furitaanka xafiiska, halkaasi oo ay ku sugnaayeen madaxda kooxda Brigade Nhamedu .

Ku dhawaaqista furitaanka xafiiskan ayaa ku soo beegantay muddo bil ah ka dib markii dhaqdhaqaaqa Brigade Nhamedu oo ay weheliyaan urur kale oo mucaarad ah oo lagu magacaabo Congress-ka Canfarta ee Eritrea ay shir ku yeesheen Addis Ababa January 19, 2025.

Ciidamada “Nhamedu Brigade” oo ka shaqeynaya sidii ay u afgambin lahaayeen dowladda madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, ayaa xafiis ka furtay dhismo ku yaalla agagaarka halka loo yaqaan “22” ee magaalada Addis Ababa bartamihii bishii Febraayo.

“Nhamedu Brigade” waa dhaqdhaqaaq wax iska caabin ah oo Ereteriya ah, kaas oo ku faafay soona jiitay dareenka, gaar ahaan dalalka Galbeedka iyo Bariga Dhexe, saddexdii sano ee la soo dhaafay.

Related posts

Siyaasi Jamaal Cabdi Muuse oo xilal kala duwan ka soo qabtay Xukuumadda Madaxweyne Biixi Oo Lagu Soo Dhaweeyay Xisbiga Wadani

Abdiaziz Bnnstaff

“Dowlada Itoobiya Bad Ay Qaadato Ayay Rabtaa Ee Kiro Ma Doonayso” Xildhibaan Amed Khaliif

Abdiaziz Bnnstaff

Qaramada Midoobay oo digniin cusub ka soo saartay Soomaaliya