Borama News Network

Ugu yaraan 50 qof oo ku dhintay doon ku gubatay dalka Congo

Dooni alwaax ka sameysan oo siday ilaa 400 oo rakaab ah ayaa dab qabsaday oo ku dagtay meel u dhow magaalada Mbandaka.

Shilkan ayaa ka dhacay waqooyi-galbeed ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) oo ku taal wabiga Congo, waxaana ku dhintay ugu yaraan 50 qof, boqolaal kalena waa la la’yahay, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan laamaha maxalliga.

Guddoomiyaha Wabiga Congo Mr. Loyoko ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AP in shilku uu dhacay xilli uu qof cunno ku karsanayay doonta dhexdeeda. Dhowr qof oo rakaab ah oo ay ku jiraan haween iyo caruur ayaa dhintay kadib markii ay isku tuureen biyaha iyaga oo aan wax dabaal ah aqoon.

Ku dhawaad ​​100 qof oo ku waxyeeloobay ayaa la geeyey hoy ku meel gaar ah oo ku yaal hoolka magaalada Mbandaka, kuwaas oo qaar badan oo ka mid ah qaba dhaawacyo halis ah oo gubasho ah.

Bishii Decemberr, ugu yaraan 38 qof ayaa dhintay ka dib markii doon ay saarnaayeen in ka badan 400 oo qof oo ku safrayay ciidda kirismaska ​​ay ku degtay webi ku yaal waqooyi bari DRC.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Maanta Ka Qayb Galaya Shir Uu Joogo Abiy Ahmed

Abdiaziz Bnnstaff

Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in saddex ka mid ah shaqaalihii la socday lagu dilay, ugu yaraan afar kalena lagu dhaawacay weerarka Xuutiyiinta ay ku qaadeen markab ganacsi meel ku dhow Yemen. “Abaarihii 11:30 subaxnimo (waqtiga Sanca) ee 6-dii Maarso, ayaa gantaal nooca ballistic-ga ah (ASBM) laga soo riday aagagga ay argagixisada Xuutiyiinta Yemen ka taliyaan ee Iran ay taageerto, kaasoo lagu weeraray markabka M/V True Confidence, oo uu ka babanaayo calanka Barbados, Laybeeriya. isagoo u sii gudbaya Gacanka Cadmeed,” ayaa lagu warka lagu sheegay warka Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka “Gantaalka ayaa ku dhacay markabka, shaqaalaha caalamiga ah waxay soo sheegeen saddex dhimasho ah, ugu yaraan afar dhaawac ah, kuwaas oo saddex ka mid ah ay xaaladoodu halis tahay, iyo burbur weyn oo soo gaaray markabka.” Taliska dhexe ee ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in kani uu yahay gantaalkii shanaad ee ka hortagga maraakiibta ballistic-ga ee Xuutiyiinta ay rideen labadii maalmood ee u dambeeyay.

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Villa Somalia ku qaabilay wafdi ka socday Jaamacadda Carabta

Abdiaziz Bnnstaff