Dowlada Nigeria Oo Digniin Culus Ka Soo Saartay Cudurka Ebola

Howl-wadeennada caafimaadka ee dalka Nigeria ayaa heegan sare la galiyay kaddib markii waddanka Guinea laga soo tabiyay soo labo kacleynta cudurka dilaaga ah ee Ebola.

Wasiirka Caafimaadka, Osagie Ehanire, ayaa sheegay in ay il gaar ah ku hayaan dhammaan xuduudaha laga soo galo dalka Nigeria si ay ula tacaalaan dadka lagu tuhmo in ay cudurka qabaan, sida ay tabiyeen warbaahinta maxalliga ah.

Wuxuu wasiirku sheegay in ay diyaar u yihiin sidii ay dad is xilqaamay ugu tiri lahaayeen Hayada Caafimaadka Aduunka, si ay uga caawiyaan dadaallada lagu xakameynayo fiditaanka cudurka ee gudaha dalka Guinea.

Intaas wuxuu ku sii daray in ay la socdaan wararka ku saabsan halka ay kiisaska marayaan, ayna walaac ka qabaan.

Mas’uuliyiinta Guinea ayaa xaqiijiyay qofkii afaraad oo lala xiriiriyay Ebola.

Intii u dhaxeysay 2014 ilaa 2016 Ebola wuxuu Galbeedka Afrika ku dilay dad ka badan 11,000 oo ruux.

Xafiiska Wararka  BoramaNews

BoramaNews.com

Related posts

Soomaalida Canada Oo Billaabay Dadaallo Looga Hortagayo Falalka Islaam Naceybka

Bnnstaff Bnnstaff

Dad Ku Dhintay Duqeyn Ka Dhacday Xero Qaxooti Oo Ku Taala Waqooyiga Dalka Itoobiya

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiirka Gaashaandhigga oo ka warbixiyey qorshaha ciidanka xoogga ay kula wareegayaan howlgallada.

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More