Dawladaha Soomaaliya iyo Sucuudi Carabiya ayaa markii u horraysay ka wada hadlay sii daynta maxaabiis Soomaali ah oo tiradoodu boqol ka badan tahay, kuwaasi oo qaybo ka mid ah ay dil ku xukuman yihiin.
Maxaabiista ayaa in muddo ah waxa ay ku xidhnaayeen gobolka Najraan ee koonfurta dalka Sucuudiga.
Sida ay hore BBC-da ugu xaqiijisay qunsuliyadda Soomaaliya ee magaalada Jiddah, dadka maxaabiista ah, gaar ahaanna, kuwooda dilka ku xukuman ayaa la qabtay iyaga oo daroogo gelinaya dalka Sucuudiga.
Qunsulka Guud ee Soomaaliya ee fadhigiisu yahay dalka Sucuudiga, Cabdiweli Xirsi Cabdille (Indhoguran) ayaa todobaadkan booqday meelaha ay ku xidhan yihiin maxaabiista Soomaalida ah.
Qunsulka ayaa sheegay in uu la kulmay amiirka mandiqaddaasi Jalami Bin Cabdicasiis Aala Sacuud iyo taliyaha xabsiga ay maxaabiistani ku jirto, halkaasi oo uu sheegay in uu ku soo arkay qaybo kala duwan oo maxaabiis ah.
Waxa uu sheegay in dadka xidhan ay isugu jiraan qaar xukuman, kuwo xukun sugayaal ah iyo qaar aan weli maxkamad la saarin.
“Siddeed iyo konton ka mid ah dadkaasi waa xukuman yihiin. Todobada iyo konton ayaa maxkamad saaran. Waxa jira 9 xubnood oo xabsi ku jira. Si guud tiradu waxa ay ka badan tahay boqol qof” ayuu yiri.
Qunsulka ayaa BBC-da u sheegay in xaaladda caafimaad ee dadkaasi ay aad u wanaagsan tahay balse ay qabaan tabashooyin aan weli laga jawaabin.
“Markii aan la sheekaystay maxaabiista Soomaalida ah waxa ay ii sheegeen in xaaladdoodu wanaagsan tahay oo ay wax badan barteen intii ay xabsiga ku jiraan, gaar ahaan dhinaca diinta. Waxayse iga codsadeen in ay u baahan yihiin macallin ay ka bartaan aqoon dheeri ah. Markii aan u gudbinnay madaxda xasbigana waxa ay naga oggolaadeen in loo geeyo bare yaqaanna Afka Soomaaliga iyo carabiga”.
Rajada laga qabo in la sii daayo maxaabiista
Muddooyinkii la soo dhaafay waxa soo xoogaysanayay wararka la xidhiidha xaaladda maxaabiistan, gaar ahaan in la furdaamiyo kuwa dilka ku xukuman.
Waxa jirtay in mid ka mid ah dadka xidhan ee Soomaalid ah lagu fuliyay xukun dil ah.
Waxaana walaacu uu sii kordhay markii sida la sheegay xukunno dil ah lagu fuliyay maxaabiis la kiis ah oo u dhashay dalalka Yaman iyo Itoobiya.
Dawladda Soomaaliya ayaa Sucuudiga kala xaajootay wadiiqooyin dadkaasi lagu sii dayn karo ama ugu yaraan lagu soo celin karo dalkooda Soomaaliya.
“Waxa jirta in marar badan badan labada dawladood ee Sucuudiga iyo Soomaaliya ay ka wada hadleen sidii maxaabiistan loo sii dayn lahaa ama dalkoodii dib loogu celin lahaa. Laakiin wax badan kama suurtagelin waxaan se qabnaa rajo fiican, ayaa uu yidhi Cabdiweli Xirsi Cabdille.”
Maxaabiistan ayaa halkaasi ku xidhan inta u dhaxaysa lix ilaa siddeed sannadood ayaa uu hadalkiisa raaciyay qunsulku.

Falcelinta ehelada maxaabiista
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdiweli oo ay qaraabo dhow yihiin mid ka mid ah maxaabiista ayaa sheegay in maxaabiistan oo tahriib ku galay dalkaas siina maray Yemen lagu khiyaamay in ay daroogo geliyaan Sacudiga.
“Maaddaama dadkan ay duruufo ku xeeran yihiin, waxaa dhacda in lagu baraarujiyo inay daroogo u badan kaniini iyo xashiish ay geeyaan Sacuudiga. Waxaa lagu yidhaahdaa haddii aad intaas oo kiilo oo daroogo ah Sacuudiga ii geliso intaas oo lacag ah ayaa lagu siinayaa,” ayuu yidhi.
Inkastoo marar badan uu Sacuudigu ballan-qaaday yareynta adeegsiga xukunka dilka, ayaa haddana ay sii kordhiyeen, sida ay sheegtay hay’adda.
Fulinta xukunka dilka ee dembiyada la xiriira daroogada ayaa kordhay sannadkan, iyadoo celcelis ahaan uu dalkaasi dil ku fuliyo hal qof labadii maalmoodba, sida ku xusan warbixinta hay’adda.
Sucuudiga oo noqday meelaha ugu badan xukunka dilka
Heerka dilalka dalka Sacuudiga ayaa laba laabmay tan iyo sanadkii 2015 -sida laga soo xigtay warbixin xuquuqda aadanaha oo sanadkii lasoo dhaafay soo baxday – waana sanadkii Boqor Salmaan iyo wiilkiisa Maxamed bin Salmaan ay xukunka qabteen.
Hay’adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa warbixin ay soo saartay bishii September ee sanadkan waxay ku sheegtay in dowladda Sacuudiga ay xukun dil ah ku fulisay in ka badan 198 qof sanadkan 2024 keliya.
Inkasta oo labada dal ay hadda ka hor isla soo qaadeen sii daynta maxaabiistan, haddana in ay xorriyadooda dib u helaan ayaan suurtagal noqonin. Ha se ahaatee, Gunsulka Guud ee Soomaaliya ee fadhigiiisu yahay Suduudiga, Cabdiweli Xirsi Cabdille ayaa qaba rajo weyn ka qaba in la maxaabiistan ay dalkooda dib ugu laaban doonaan.