Akhriso Saddex Arrimood Oo Lagaga Hadlayo Shirka Gudiyada Farsamo Ee Ka Socda Baydhabo

Guddiga Farsamo ee uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya u xushay go’aan ka gaadhista khilaafka doorashada ayaa laga dhowrayaa in ay xal u helaan arrimo la isku mari waayay.

Xubno ka tirsan wasiirrada shirka ku jira ayaa BBC-da u sheegay in kulankoodu uu wali socdo.

Saddex qodob ayaa aasaas u ah arrimaha uu shirkan ku qotomo, kuwaasoo ah qodobbo kasoo laabtay shirkii 17-kii September, 2020 ka dhacay magaalada Muqdisho ee ay heshiiska ku gaadheen madaxda federaalka iyo maamul goboleedyada.

Qodobadan waxay kala yihiin:

1 – Muranka ka dhashay guddiyadii heer federaal iyo heer maamul goboleed.

Mucaaradka ayaa ku dooday in Dowladda dhexe ay guddiga doorashada heerka federaalka u magacowday dad iyada taageersan.

2 – Arrinta Gobolka Gedo, gaar ahaan doorashada degmada Garbahaarreey oo khilaaf weyn dhalisay.

Shirka Baydhabo ayaa lasoo tabiyay in dooddiisa ay udub dhexaad u tahay arrinta Gedo.

3- Murankii ka dhashay guddiga loo magacaabay xubnaha doorashada xildhibaannada gobollada Waqooyi ee Muqdisho ka dhaceysa.

Dhammaan arrimahan ayaa ah kuwii ay isku mari waayeen hoggaamiyeyaashii ka qeyb galay shirkii Dhuusamareeb ka dhacay horaantii bishan.

Ma jirin jadwal loo sameeyay xilliga uu soconayo shirka Baydhabo, hase yeeshee waxaa suuragal ah in uu soo gabagaboobo ilaa galinka dambe ee maanta.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Raysal Wasaare Rooble Oo Arrimaha Doorashooyinka Kala Hadlay Dowladda Turkiga

Taliyaha Ciidanka Dalka Uganda Oo Ku Dhawaaqay Go,aamo Aan Laga Fileyn

Bnnstaff Bnnstaff

Dowlada Uganda Oo Ciidamo Ka Qeyb Noqonaya Howlgalka Cusub Ee Atmis U Soo Dirtay Soomaaliya.

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More