Sheekh Nuur Baaruud Oo Ka Mid Ah Culimada Somaliyeed Oo Cudurka COVID-19 Ugu Geeriyooday Muqdisho

Allaha u naxariistee waxaa xalay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan Isbitaalka Martiini ku geeriyooday Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo kamid ahaa Culimadda waaweyn ee Soomaalida.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Sheekh Nuur Baaruud uu maalmihii lasoo dhaafay ku xanuunsanayay Isbitaalka Martiini ee Muqdisho, waxaana la sheegay inuu haleelay Cudurka halista ah ee Coronavirus oo Soomaaliya kusoo laba kacleeyay.
Geerida Sheekha ayaa waxaa xaqiijiyay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Federaalka iyo qaar kamid ah Eheladiisa, waxaana Sheekh Nuur uu kamid ahaa Hay’adda Culimadda Soomaaliyeed.

Mas’uuliyiin kala duwan oo kamid ah dowladda Federaalka, siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa tacsi u diray qoyskii iyo eheladii uu ka baxay Sheekh Nuur, iyagoona Alle uga baryay inuu janatul firdowga ka waraabiyo.

Saacadaha soo socda ee Maanta ayaa Sheekh Nuur Baaruud Gurxan lagu aasi doonaa qaruuro ku yaalla Magaalada Muqdisho, isla markaana waxaa aaska ka qeyb geli doonaa Mas’uuliyiin, Culimo badan, Ehel iyo dad kale.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Xabsiga Dalka Ecuador oo ay Isku Faro Saaren Maxaabis Budhcad ahayd Iyo Inka Badan 100 Ruux oo Dhimatay

Bnnstaff Bnnstaff

Kooxaha Kurdiyiinta Oo Hanjabaad Diray Ka Dib Weerar Uu Turkiga Uga Jawaabay Qaraxii Istanbul

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxwayne Muuse Biixi Oo Qudbad Ka Jeediyay Xuskan Sanad Guurada 27 aad Ee Ciidanka Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More