Ururka Xamaas Oo Soo Saaray Xukun Adag Oo Ay Cadho Ka dhalatay Iyo Nuuca Uu Yahay Xukunkaasi

Mas’uuliyiinta Xamaas ee Qaza ayaa isku raacay in dib loo eego xukun dhowaan muran dhaliyay oo haweenka ka mamnuucaya inay safraan iyadoon ogolaansho laga helin qof maxram u ah.

Qaadiga saxiixay amarka oo dhaqan galay ayaa sheegay in dib u eegis lagu sameyn doono xukunka balse ma uusan si sax ah u sheegin isbadalada la sameyn doono.

Go’aanka kasoo baxay maxkamadda ay maamulaan ururka Xamaas ayaa sheegay in haweenka aanan la guursan aysan safrin karin iyagoo uusan la socon qof maxram u ah.

Go’aanka ayaa sidoo kale dhigay in haweenka la qabo ay safri karaan oo kaliya ah waa haddii uu la sacdo seygooda.

Ragga ayaa laga hor istaagi karaa inay safraan waa haddii ay waaliddiinta sida aabaha ama awoowga uu ka codsado in uusan safrin, go’aankaas oo lagu tilmaamay mid halis ah.

Go,aanka ayaa caro weyn ka dhaliyay baraha bulshada, Falastiiniyiin badan ayaa ku eedeeyay Xamaas inay wadaan tallaabooyin ka dhan xuquuqda haweenka xilli Sucuudiga uu muujiyay furfurnaan dhanka xuquuqda haweenka.

Dhanka kale ururka u dooda xuquuqda aadanaha ee Qaramada Midoobay ayaa cambaareeyay go’aankan.

Afahayeen u hadlay ururka Xamas oo maamulo Qaza oo la yiraahdo Xaziim Qaasim ayaa sheegay in Israa’iil ay ku xaadgudbeyso dhammaan xeerarka halkan.

Dad badan waxay ku andacoonayaan in tallaabadan ay kasoo horjeedo sharciyada aasaasiga ah ee Falastiin.

Horraanba, waxaa uu xayiraad saarnaa Qaza gaar ahaan in laga baxo maadama uu xiran yahay xudduudda dhinaca Masar iyo Israa’iil tan iyo markii dhulka Falastiin ay la wareegeen ururka Xamaas muddo ka badan 10 sano.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Raysal Wasaaraha Ingiriiska Oo Raali Galin Buuxda Siiyay Shacabkiisa Ka Dib Eedaymo Loo Jeediyay

Bnnstaff Bnnstaff

Cajiib! Nin Xaaskiisa U Dilay Maxaad Cusbada Ugu Badisay Cuntada

Odayaal Iyo Waxgarad Sheegay In Ay Ayna Aqoonsanayn Kursiga Uu Ku Guulaystay Agaasimaha Haayada Nisa Yasiin Faray

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More