Dowladaha Soomaaliya Iyo Shiinaha Oo Ka Wada Hadlay Iskaashiga Labada Dal

Wasiiru-dowlaha wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee dowladda Soomaaliya Balal Maxamed Cusmaan, ayaa ku qaabilay hoyga uu ka deganyahay Caasimadda Muqdisho, Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, Qin Jian.

Kulanka labada dhinac intiis uu socda ayaa waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha ee ku saleysan geesoodka iyo iskaashi wadaagga.
Kulankani oo uu goobjoog ka ahaa Xog-hayaha Joogtada ee Wasaaradda, Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji ayaa diiradda lagu saaray horumarada la sameeyay, iskaashiga Soomaaliya iyo Shiinaha ee dhinac kastaba leh.

Wasiiru-dowlaha wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee dowladda Soomaaliya Balal Maxamed Cusmaan iyo Wasiir Qin Jian ayaa falanqeeyay xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka iyo dunida inteeda kale ee taabanayay danaha guud ee labada Dal.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Midawga Yurub Oo Walaac Xoogan Ka Muujiyay Badhcad Badeedda Somaliya

Bnnstaff Bnnstaff

Haayada Caafimaadka Adduunka Oo Baaq Kasoo Saartay Tallaalka COVID-19

Bnnstaff Bnnstaff

Dhacdo Naxdin Leh:- Wiil Dilay Sheekh Caan Ah Oo Xili Uu Sheekhu Qur’aan Saarayey

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More