Borama News Network

Dowlada Pakistan Oo Tobnaan Kun Reer Afghanistan Ah Dalkeeda Ka ceydhisay

Pakistan ayaa in ka badan 19,500 reer Afghanistan ah tarxiishay bishan, waxaa ka mid ah in ka badan 80,000 oo iska tegay kahor muddada loo qabtay oo ku ek 30-ka bishan, sida ay sheegtay QM.

Pakistan ayaa xoojisay tarxiilka dadka Afghanistan ee aan diwaan-gashaneyn kuwaasoo heystay oggolaansho ku meel gaar ah oo ay dalkaasi ku joogaan.

Inta u dhaxeysa 700 iyo 800 oo qoysas ah ayaa si maalinle ah loo tarxiilaa, sida ay sheegeen saraakiisha Taliban, iyadoo la filayo in ilaa labo milyan oo qof ay dadkaasi raacaan bilaha soo socda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Pakistan Ishaq Dar ayaa shalay u duulay Kabul si uu wada-hadallo ula yeesho saraakiisha Taliban. Dhiggiisa Amir Khan Muttaqi ayaa “walaac daran” ka muujiyay tarxiilka

Related posts

Madaxdhaqmeedka Beesha Habarjeclo Oo Baaq U Dirtay Beelaha Dhulbahante Warna Ka Soo Saaray Dilal Ka Dhacay Gobolka Sanaag

Dad caraysan oo Saldhig Booliis ku dhex dilay Nin ku eedaysan in uu Lo’ xaday

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwaynaha Dalka Kenya Oo Sheegay In Ay Somaliya La Wareegi Doonaan Kooxa Hubaysani Hadii Ay Ka Baxaan Ciidanka Atmis

Abdiaziz Bnnstaff