Borama News Network

Ciidamada Puntland Oo Hawlgal Ka Fuliyay Buuraha Isku Xidha Togaga Miraale iyo Moqor

Ciidamada difaaca Puntland ayaa hawlgal ka fuliyay buuraha Calmiskaad, iyaga halkaas ka sifeeyay buuraha isku xira labada tog ee Miraale iyo Moqor, halkaas oo ay ciidamada Difaaca Puntland ku dileen xubno ka tirsan Daacish.

War qoraal oo lagu soo qoray xafiiska Warbaahinta u qaabilsan hawlgalka Calmiskaad, ayaa lagu sheegay in ujeedka hawlgalka uu ahaa in halkaas laga sifeeyo xubnaha Daacish aagga togga Moqor.

“Ciidanku waxay saaka hawlgal ka wadaan inta u dhexeysa Miiraale iyo Moqor, Iyadoo ujeedku yahay sifeynta firxadka Argagixisada wixii u cararay dhinaca u rogan togga Moqor”, ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska warbaahinta.

Ciidamada difaaca Puntland ayaa muddooyinkii u dambeeya sii laba jibaaray hawlgalladooda buuraha Calmiskaad ee ka dhanka ah Daacish, iyada oo waqti sii horreysay uu Madaxweynaha Puntland ku dhawaaqay wejiga seddexaad ee dagaalka ka dhanka ah Daacish.

Related posts

Baarlamaanka Azerbaijan oo ansixiyay heshiis difaac ah oo ay la saxiixdeen Soomaaliya

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxweynaha Burkina Faso Oo Kordhiyay Mushaarka Shaqaalaha Rayidka Ah

Abdiaziz Bnnstaff

Midowga Africa Oo War Saxaadadeed Ka Soo Saaray Xiisada Ka Dhex Aloosan Dalalka Itoobiya Iyo Somaliya

Abdiaziz Bnnstaff