Borama News Network

Ciidamada Israel Oo Qirtay Dilalka Samafalayaal Reer Falastiin Ah

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in “fashil xagga xirfadda ah” uu horseeday dilka 15 ka mid ah shaqaalaha gargaarka degdegga ah ee Qasa bishii hore.

Baaritaan lagu sameeyay dhacdadan oo ay sameeyeen Ciidamada Difaaca Israa’iil, ayaa lagu ogaaday guul darrooyin xiriir ah, oo ay ku jiraan “faham la’aan dhanka shaqada ah” iyo “jebinta amarro”.

Taliye ku xigeenka qeybta ay arrintani khuseyso ayaa xilka laga qaaday “kadib markii uu bixiyay warbixin aan dhameystirneyn oo aan sax ahayn intii ay socotay howshaan”. Afhayeen u hadashay Ururka Bisha Cas ee Falastiin (PRCS) ayaa sheegtay in warbixintu ay tahay “mid aan sax ahayn” maadaama ay “caddaynayso oo ay weecinaysay mas’uuliyadda khaladka dhacay.

14 ka mid ah shaqaalaha gargaarka degdega ah iyo shaqaale ka tirsanaa Qaramada Midoobay ayaa la dilay 23-kii Maarso ka dib kolonyo ay la socdeen gawaarida gurmadka ah, baabuur Qaramada Midoobey iyo baabuur dab-damis ah kaasoo rasaas ay ku fureen ciidamada Israa’iil.

War qoraal ah oo ay soo saartay IDF ayay ku sheegtay in ciidamadeedu ay rasaasta fureen iyaga oo aaminsanaa in ay halis ku soo wajahneed xilligaas.

Israa’iil ayaa ugu dambeyn qiratay in ciidankeedu ka dambeeyeen dilka 15 samafale oo reer Falastiin ah, ka dib markii ay in muddo ah ka meermeereysay mas’uuliyadda dilkaas. Laakiin caddeymo isdaba-joog ah oo la soo bandhigay ka dib, Israa’iil waxay qiratay falkaas ay ciidamadeedu ku beegsadeen dad biri-ma-geydo ahaa.

Related posts

Toos Maxkamada Gobolka Banaadir Oo Maanta Go’aan Ka Gaadhaysa Kiiska Eedaysane Sayid Cali

Abdiaziz Bnnstaff

Xafiiska Xisbiga Wadani Ee Xaafada Jigjiga Yar Ee Magaalada Hargaysa Oo La Weeraray Iyo Masuuliyiin Si Adag Uga Hadlay

Abdiaziz Bnnstaff

Somaliland Saan Yaroo Lagu Wada Jiifo, Saanta Waa La Kala Goosan Hadii Saani Loo Wada Joogi Waayo” Dareenka Reer Awdal

Abdiaziz Bnnstaff