Borama News Network

Madaxwaynaha Dalka Maraykanka Trump Oo Hanjabaad Culus U Jeediyay Ruushka Iyo Ukaraine

Ku dhawaaqista Moscow ee “Xabbad joojintii Ciidda Easter-ka” ee hadda waqtigeedii uu dhamaaday ayaa timid hal maalin kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku hanjabay inuu ka tanaasuli doono dadaallada nabad-raadinta ee Ukraine.

Isagoo ka hadlayay xafiiska Oval Office Jimcihii, madaxweynaha Mareykanka wuxuu sheegay inuu ” meesha ka saari doono” dhexdhexaadinta xabbad-joojinta haddii Ruushka iyo Ukraine ay “aad u adkeeyaan” inay gaaraan heshiis nabadeed dhawaan.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa shalay sheegtay inay soo dhaweyneyso “xabbad joojinta kooban” oo la kordhiyo wixii ka dambeeya Axadda, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters. Ma aysan dhicin, labada dhinacna midba midka kale ayuu ku eedeyay inuu jabiyay xabad-joojinta.

Trump laftiisu si toos ah ugama hadlin xabbad joojinta, laakiin qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshada shalay ayuu ku sheegay inuu rajaynayo in Moscow iyo Kyiv ay “heshis gaaraan toddobaadkan” si ay labadooduba “ganacsi weyn” ula sameeyaan Maraykanka.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa ka hor inta uusan dib ugu soo laaban xafiiska sheegay in uu joojin doono dagaalka Ukraine 24-ka saac ee ugu horreeya ee uu xilka hayo. Waxana uu tan iyo markaa labada dhinacba ku eedeeyay in ay ku guul-darreysteen heshiis nabadeed.

Related posts

Deg Deg Booliska Somaliland Oo War Ka Soo Saaray Xidhiga Cismaan Cumar Dool Iyo Waxyaabaha Loo Haysto

Abdiaziz Bnnstaff

Madaxwayne Putin iyo Hogaamiye Kim Jong Un oo heshiis kala saxiixday Muxuuse Ku Saabsanyahay Heahiiskaasi

Abdiaziz Bnnstaff

“Cadawgii Gudaha Iyo Cadawgii Dibadu Wuu Soo Dhammaaday “ Ugaas Axmed Cali Mahdi

Abdiaziz Bnnstaff