Borama News Network

DFS oo Saciid Deni ku eedeysay in uu qaaday tallaabo uu ku carqaladeynayo kaarka Aqoonsiga Qaranka

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ka soo saartay tallaabadii ay dhawaan qaadday maamulka Puntland taas oo ay ku sheegtay in maamulkaas uu sameysanayo aqoonsi u gaar ah.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa tallaabadaas ay qaadday Puntland ku tilmaamtay mid lagu carqaladeynayo Aqoonsiga Qaranka ayna tahay khalad masuuliyadeed iyo mid sharci.

“Tallaabada uu qaadey Madaxweynaha Puntland ee ah sameynta Aqoonsi kale oo lagu carqaladeynayo Aqoonsiga Qaranka, waa khalad masuuliyadeed iyo sharciyadeed, waana mid si toos ah ugu xadgudbeya hannaanka dowladnimadda dalka”. ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS.

Hadalkaan ayaa ku soo aadayo xilli dhawaan maamulka Puntland sheegay in ay sameyneyso aqoonsi u gaar ah, iyada oo dowladda Soomaaliya ku tilmaamtay in uu yahay mid lagu carqaladeynaayo Aqoonsiga qaranka.

Related posts

Diyaaradaha Dagaalka Ee Israel Oo Duqaymo Ka Fuliyay Qaybo Ka Mid Ah Gudaha Dalka Suuriya

Abdiaziz Bnnstaff

Magacyada Gudiga Isbahaysiga Xisbiga Wadani Iyo Kaah Oo La Shaaciyay

Abdiaziz Bnnstaff

Dowlada Somaliya Oo La Sheegay In Ay Ciidamo Gaysnayso Deegaano Ka Tirsan Gobolka Gedo

Abdiaziz Bnnstaff