Al-Shabaab Oo Sheegay In Ay Dileen Ciidamo Ka Tirsan AMISOM

Ciidamo ka tiran AMISOM ayaa lagu soo warramayaa in Qarax lagula eegtay degaanno ka tirsan Koofurta Soomaaliya, waxaana la helayaa warar dheeraad ah oo kasoo baxaya qaraxaasi.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay wadada xiriirisa deegaannada Danoow iyo Golweyn lala helay gaari ay la socdeen ciidamada dowladda Uganda ee qaybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya ee AMISOM.

Dagaalayaasha Al-shabaab ayaa war kasoo saaray weerarkaasi lagu beegsaday Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda, waxaana ay sheegeen in ay khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh gaarsiiyeen Ciidanka.

War lagu daabacay Baraha Internet-ka ee ku hadla afka Al-shabaab ayaa lagu sheegay in weerarkaaasi ay ka dameeyeen dagaalamayaasha Al-shabaab, ayna ku dileen labo Askari, halka tiro kale ay ku dhaawaceen, kadib Qarax miino oo ay la beegsadeen.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay AMISOM oo ay kaga hadlayaan Weerarka oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha hoose, ee ay dagaalamayaasha Al-Shabaab sheegteen.

Xafiiska Wararka BoramaNews

BoramaNews.com

Related posts

Beesha Caalamka Oo War Ka Soo Saaray Shirkii Madasha Wadatashiga Ee Muqdisho Lagu Soo Gabgabeeyay

Bnnstaff Bnnstaff

Drs Adna Aadan Oo Ka Hadashay Dhakhaatiir Muwqdisho Looga Soo Celiyay Passport-ka Somaliland

Bnnstaff Bnnstaff

Midowga Afrika Oo Soodhaweeyay Baaq Kasoo Baxay Jabhadda TPLF

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More