Madaxda Maamul Goboleedyada Somaliya Oo Maanta La Filayo In Ay Muqdisho Soo Gaadhaan

Waxaa lagu wadaa in saacadaha soo aadan ay magaalada Muqdisho soo gaaraan madaxda dowlada goboleedyada dalka, si ay ugu qeyb galaan shirka uu iclaamiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaasi oo qorshihiisu yahay in maanta iyo ama beri uu ka furmo magaalada Muqdisho.

Shirka wadatashiga ah ayaa waxaa uu saldhig u yahay talo-soojeedintii Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee ku aaddanayd dhaqan-gelinta heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 laga gaaray hannaanka doorashooyinka, ayna meelmariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale Shirka ayaa la filayaa in lagu saxiixo heshiis kama dambeys ah oo laga gaaro arrimaha doorashada, kadib markii guddigii farsamo ee ku shirsanaa magaalada Baydhaba ay heshiis ka gaareen qodobadkii la isku hayey.

Baaqan ayaa ku soo aadaya iyadoo kulan horraantii bishan madaxda maamul goboleedyada iyo kuwa federaalka ku dhexmaray magaalada Dhusamareeb ee Galmudug uu fashil ku soo dhamaaday, kadib markii la isku mari waayay qodobo ay kamid tahay sida doorashada ay uga dhaceyso gobolka Gedo, maadaama uu maamul ahaan ka tirsan yahay Jubaland balse ay gacanta ku hayso dowladda federaalka.

Dhinacyada siyaasadda Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe cadaadis iyo baaqyo kala kulmayay beesha caalamka iyo golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaas oo ah inay ka wadahadlaan khilaafka ka taagan doorashooyinka, dalkana ay ka dhacdo doorashada la isla oggol yahay.

Mudada xilheynta madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo afar sano ahayd ayaa ku ekeyd 8dii February. Mucaaradku waxay sheegeen inaysan madaxweynaha aqoonsaneyn. Dowladdu se waxay sheegtay in madaxweynahu xilka heyn doono ilaa inta laga dooranayo maamul cusub. Ma jiro waqti la og yahay oo ay doorashadu dhici doonto.

 

Xafiiska Wararka BoramaNewsM
BoramaNews.com

Related posts

Ex Madaxwayne Sheekh Sahafiir Oo Cambaareeyay Weerarkii Alshabaab Ee Shabeelaha Hoose

Madaxwaynaha Dalka Kenya Uhuro Kenyatta Oo Gaadhay Dalka Congo Iyo Ujeedada Socdaalkiisa

Bnnstaff Bnnstaff

” Barnaamijkii Kulmiye Waxaa Dadka Naafada Ah Ugu Jiray Hal Qodob Kiina Lama Fulin” Hogaamiye Xirsi

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More