Koox jihaad doon ah oo lagu magacaabo Maxamuuda ayaa sii wada is ballaarintooda, iyagoo u muuqda in ay sii xoogaysanayaan, waxaana argagax ay ku hayaan dadka ku nool magaalooyinka Kaiama iyo Baruten ee Ismaamulka Gobolka Kwara.
Wararka ayaa sheegaya in xubnahan ay gabaad ka dhigteen Beerta Qaranka ee harada Kainji, waxaana ay halkaasi ka wadaan weeraro ay ka geystaan magaalooyinka ku teedsan beerta iyo xitaa deegaano kale oo ka tirsan gobolka Niger.
Hadda, dadka ku nool magaalooyinka ay dhibaatadu ka dhacday ayaa u hayaamaya meelo kale si ay uga badbaadaan rabshadaha kooxda Maxamuuda.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in xubno ka tirsan kooxda Maxmuuda ay mar ka sameysteen xeryo Kaiama iyo Baruten, halkaasi oo ay ku muujiyeen in aysan wax dhibaato ah u gaysan doonin dadka.
Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in markii dambe ay kooxdu bilaabeen in ay hub la dhex mushaaxayaan deegaannada isla markaana ay xirxireen dadka tuulada, xukunna ay ku rideen, qaarkoodna ay dileen. Wuxuu sheegay in dhibaateynta shacabka ay muddaba socotay.