Guddoomiyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ay wehliyaan Guddoomiye Kuxigeennada labaad ee Golayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa kulan la qaatay Guddiga Lasocodka iyo Dib u eegista Dastuurka ee Baarlamaanka labadiisa Aqal.
Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa Guddiga Madaxabanaan ee Dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka, iyaga oo halkaas looga dhageystay warbixin ku saabsan marxaladaha ay marayaan howlaha la xiriira dib u eegista dastuurka iyo qorshayaasha uga degsan xiliga ay Baarlamaanka horgeeynayaan cutubyada harsan.
Sidoo kale, Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Guddiga Lasocodka, dib u eegista Dastuurka ee BFS iyo guddiga Madaxabanaan ee Dib u eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa isku raacay dardargelinta howlaha la xiriira dib u eegista iyo dhameystirka dastuurka.
Horay labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyeen 4ta cutub ee ugu horraysa Dastuurka Kumeeel gaarka ah.