Dowlada Somaliya Oo War Ka Soo Saartay Dagaal Xalay Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa war kasoo saartay dagaal ka dhacay Magaalada Muqdisho oo u dhexeeyay Ciidanka Dowladda iyo Ciidamada Mushariinta Madaxweynaha, waxaana caawa muqdisho mar qura is qabsaday dhawaqa rasaas ay isku adeegsanayeen labada dhinac.

Wasiirka amniga Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Xundubeey Jimcaale oo soo saaray Qoraal ayaa sheegay in weerarka ay soo qaadeen Ciidanka Musharixiinta.

Dowladda Soomaaliya ayaa war kasoo saartay dagaal ka dhacay Magaalada Muqdisho oo u dhexeeyay Ciidanka Dowladda iyo Ciidamada Mushariinta Madaxweynaha, waxaana caawa muqdisho mar qura is qabsaday dhawaqa rasaas ay isku adeegsanayeen labada dhinac.
Wasiirka aminiga Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Xundubeey Jimcaale oo soo saaray Qoraal ayaa sheegay in weerarka ay soo qaadeen Ciidanka Musharixiinta.

Dowladda waxaa ay sheegtay caawa saacadda markay ahayd 1dii habeenimo (1am) ay Ciidanka Musharixiinta soo weerareen baraha Ciidamada Qalabka Sida ay ku lahaayeen qaybo kamid ah Caasimadda Muqdisho.

Waxaa ay intaa ku dareen in Sarkaal u hadlay Ciidanka Musharixiinta uu caawa fiidkii hore warbaahinta u sheegay in ay weerar ku yihiin xarumaha Dowladda isla markaana ay qabsadeen qaybo kamid ah Muqdisho, balse ay ka hortageen waa sida uu hadalka u dhigaye.

Wasiirka amniga waxaa uu intaa ku daray in Ciidamada Dowladdu ay iska difaaceen weerarkaas lagu soo qaaday.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Dowlada Imaaraadka Carabta Oo Xanibaadii Socdaalka Ka Qaaday 12 Dal Oo African Ah

Bnnstaff Bnnstaff

Ciidanka Dabdamiska Hargeysa Oo Badbaadiyay Wiil Yar Iyo Siday Wax U Dheceen

Bnnstaff Bnnstaff

Muslimiinta Shiinaha: Maxay Tahay Arrinta Lagu Sameynayo Carruurta Muslimiinta Uighur Ee La Dhalleeceeyay?

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More