Borama News Network

Midowga Afrika oo fuliyay go’aanka Dowladda Soomaaliya dalka uga eriday Wakiilkii hore ee ururkaasi

Ururka Midowga Afrika ayaa Mr. Rahmon Adebayo u soo magacaabay Wakiilka KMG ah ee Soomaaliya, ka dib markii dalka laga eryay Mr. Bam Sivuyile.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in Wakiilka cusub, Rahmon soo gaarey magaalada Muqdisho, halkaasi uu ku howlgali doono.
“Soomaaliya waxa ay ku faraxsan tahay in ay ku dhawaaqdo imaatinka cusub ee Wakiilka ku meel gaarka ah Midowga Afrika, Mr. Rahmon Adebayo, oo xilka kala wareegay Mr. Bam Sivuyile,” ayaa lagu bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Sidoo kale, Bayaanka ayaa lagu xusay in aan la aqbali doonin wax kasta oo ka hor imaanaya ama ka baxsan ujeedada Howlgalka AUSSOM, sida hore loogu wada heshiiyay.

Tillaabada Ururka Midowga Afrika ku soo diray Wakiilka cusub, ayaa ku soo aadeysa xilli hore Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya, Axmed Macalin Fiqi uu si cad ugu eedeeyay Madixii hore ee AUSSOM, Sivuyile Bam inuu taageero u muujiyay AS, taasina aan laga aqbali doonin.

Mas’uulkan la ereyay ayaa hore warbixin siiyay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ku sheegay in AS ay weli awood badan yihiin, hadalkaasi oo DFS ka carootay.

Related posts

Diyaarad Drone Ah Oo Weerar Ka Kagaystay Magaalada Moscow.

Abdiaziz Bnnstaff

Iran oo la wareegtay markab shidaal oo lagu magacaabo St Nikolas.

Abdiaziz Bnnstaff

Markab Sahmin Doona Shidaal Oo u Shiraacday Xeebaha Dalka Soomaaliya

Abdiaziz Bnnstaff