Ciidanka Maamulka Puntland Oo Baadi Goobaya Rag Hubaysan Oo Wadooyin Xidhay

Dagaal u dhexeeyay Ciidamo ka tirsan Madaxtooyada, kuwa PMPF ee Puntland iyo rag hubeysan oo maleeshiyaad ah ayaa waxaa uu saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay halka bariga Gobolka Gardafuu ee Puntland.

Taliska Ciidanka PMPF ee Puntland ayaa sheegay inay weerar ku qaadeen fariisimo ay lahaayeen maleeshiyaad beeleed hubeysan oo kala go’doomiyay isku socodka deegaano ka tirsan Gardafuu, sidaasina ay weerarka ugu qaadeen.

Dagaalka u dhexeeyay dhinacyada ayaa sigaar ah uga dhacay halka loo yaqaano dalcada Lafagoraay oo muddo dhowr cehso u xirneyd Maleeshiyaadka, in kastoo aan la shaacin khasaaraha ka dhashay dagaalkaas oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.
Taliska Ciidanka PMPF oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa ay ku sheegeen inay maleeshiyaadka ka qabsadeen saanad hub ah iyo gaari sahad u siday, isla markaana ay kala carareen, balse ay ku raad-joogaan, gacantana ay ku soo dhici doonaan.

Ciidamada ayaa sidoo kale furay waddooyin ay go’ddoomiyeen maleeshiyaadkii hubeysnaa, isla markaana ay wadaan howlgal lagu raadinayo raggaas oo u abaabulnaa hab beeleed, waxaana horey Gobolka Gardafuu uga dhacay dagaal kala duwan.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Siyaasi Ramaax Oo Si Wayn U Soo Dhaweeyay Furista Ururada Siyaasada Somaliland Fariina Diray Gudoomiye Xirsi

Bnnstaff Bnnstaff

Somaliya Iyo Qaramada Modoobay Oo Heshiis Cusub Kala Sexeexday

Bnnstaff Bnnstaff

FBI-da Maraykanka Oo Shaacisay In Ruushka Iyo Iraan Ay Hayaan Xogta Doorshada Maraykanka

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More