Borama News Network

IGAD Oo Ku Baaqday In Laga Shaqeeyo Dhammeystirka Soo Dirista ciidanka Masar Ee Soomaaliya

Ururka IGAD ayaa ku baaqay in si dhaqso leh loo dhammeystiro hannaanka ay dajiyeen Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay si ay Soomaaliya u yimaadaan ciidamada Masar ee qeybta ka noqonaya howlgalka cusub ee AUSSOM.

War-saxaafadeed ay soo saareen kadib shir ka dhacay Kampala, Uganda, ayay IGAD ku sheegtay in ay ciidamada Masar ka qeyb qaadan karaan xoojinta nabadda iyo amniga Soomaaliya, iyaga oo xusay baahida loo qabo in laga jawaabo xaaladaha taagan ee amni.

Sidoo kale, Bayaanka ayaa lagu xusay in loo baahan yahay dardar galinta Howlgalka ka dhanka ah AS ee ka socda dalka si looga hortago khatartooda gudaha iyo gobolka.

Shirkan ayaa sidoo kale looga hadlay taageerada howlgalka AUSSOM iyo dadaallada la xiriira sugidda ammaanka doorashooyinka iyo dhismaha hay’adaha Soomaaliya.

Related posts

“Xukuumadu Ma Odhan Karto Wax Kaste Anaa Go’aminaya,Golaha Wakilada Ciyaar Looma Doran”Xildhibaan Mukhtaar Maydhane Maydhane

Abdiaziz Bnnstaff

Ra’iisul Wasaare Xamsa & Madaxweyne Laftagareen oo kulan wadajir ah la qaatay Senatarrada Aqalka Sare ku metala Koofur Galbeed

Abdiaziz Bnnstaff

Deg Deg:- Dad Tukanayay Salaadii Subax Oo Duqayn Lala Beegsaday Iyo Khasaare Baaxad Leh Oo Ka Dhashay

Abdiaziz Bnnstaff