Mahad Karate waa mid ka mid ah hoggaamiyeyaasha ugu awoodda badan ee ururka Al-Shabaab oo iyaga iyo dadka deegaanka oo kaashanaya ciidamada dowladda uu dagaal ku dhexmarayo qeyb ka mid ah gobollada Soomaaliya.
Hoggaamiyahan ayaa loo arkaa in uu kaalin weyn ku leeyahay dagaalkaas, oo xooggiisu ka socdo gobolka Hiiraan. Dhowr jeer ayuu ururku soo weeraray gobolkaas toddobaadyadii ugu dambeeyay ka dib markii dadka deegaanka oo is-abaabulay iyo ciidamada dowladda ay ka qabsadeen dhul ballaaran oo muhiim u ahaa kooxdan.
Haddaba, waa kuma hoggaamiyahan, oo maxaynu ka naqaan noloshiisa Shabaab kahor, iyo hadda ba?
Waa uu magacyo badan yahay, laakiin kan rasmiga ah waa Cabdiraxmaan Maxamed Warsame. Waxa uu caan ku yahay magaca Mahad Karate. Sida ay shaacisay dowladda Mareykanka, waxaa la rumeysan yahay in uu ku dhashay magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug.