Qaramada Midoobay Oo Walaac Ka Muujisay Rabshadihii Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ayaa sheegay in si weyn uu uga walacsan yahay qalalaasihii shaley ka dhacay Muqdisho.

Wuxuu ugu baaqay dhammaan dhinacyada isku hayo siyaasadda Soomaaliya inay ku dadaalaan xasiloonida.
Xoghayaha guud wuxuu ugu baaqay madaxda dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada in si deg deg ah u yeeshaan kulan heshiis looga gaarayo arrimaha doorashada.

“Xoghayaha guud wuxuu ku baaqay in la qaddariyo xuquuqda ku saabsan qabashada isu soo bax nabadeed iyo xoriyadda hadalka” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Qaramada Midoobey.

Shaqaaqooyin sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa shalay iyo habeen hore waxaa ay ka dhaceen Muqdisho, iyadoo Ciidamada dowladda ay weerareen hoteelkii ay daganaayeen Madaxweynayaashii hore rasaasna ku fureen bannaan bax ay hoggaaminayeen qaar ka mid ah Midowga Musharaxiinta.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Daawo:- Xogo Xasaasiya Oo Ku Saabsan Diyaarada Dagaalka J-16 Ee Shiinaha Ee Cabsida Wayn Laga Muujiyay

Bnnstaff Bnnstaff

Xisbiga Ucid Oo Gudida Diwaan Galinta Ururrada Ugud Biyay Macluumaadkii Ay Uga Baahnaayeen.

Bnnstaff Bnnstaff

UN-Ka Oo Dalbaday In La Joojiyo Dagaalka Warshadda Nukliyeerka Ee Ukraine

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More