Imaaraadka Carabta Oo Dawlad Ku Meel Gaadh Ah Ugu Yeedhay Somaliya

Dawladda Imaaraatka Carabta ayaa ka hadashay rabshadihii ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka, una dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka iyo Ciidamo daacad u ah Midowga Musharaxiinta.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Imaaraadka ayaa waxaa lagu sheegay inay ka walaacsan yihiin xaaladda kasii dareysa ee Soomaaliya gaar ahaan tan Muqdisho ee ka dhalatay rabshadihii dhacay iyo awooda loo sheeganayo shacabka.
Imaaraadka ayaa dowladda Federaalka iyo Musharaxiinta ugu baaqay inay ka fogaadan kasta oo keeni kara khalalaaso siyaasadeed oo dhaca, isla narkaana ilaaliyaan rajada shacabka, ayna dhinacyada muujiyaan tanaasul.

“Isutaga Imaaraatka Carabta ayaa walaac xoogan ka muujisay xaalada kasii daraysa ee caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, taasoo ka dhalatay rabshadaha socda iyo awooda xad dhaafka ah ee loo adeegsanayo dadka shacabka ah” ayaa lagu yiri qoraalkan.

Ugu dambeyn Imaaraadka Carabta ayaa Dawladda Faderaalka Soomaaliya ugu yeertay magaca ahaan dawlad KMG ah, waxayna ka mid tahay dalalka la sheego inay faragalinta ku sameeya arrimaha gudaha ee Soomaaliya gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Warbixin:Saameynta Ay Dadka Ajaanibka Ahi Ku Yeesheen Dadkii Ka Xoogsan Jiray Garoowe

Bnnstaff Bnnstaff

Vila Somaliya Oo War Ka Soo Sartay Xaalada Caafimaad Ee Madaxwayne Xasan Sheekh Iyo Maalmaha Xoriyada

Bnnstaff Bnnstaff

Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Qalalaasihii Ciyaartii Shalay Hanjabaadna Diray Warbaahinta

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More