Dowladda Mareykanka ayaa markii ugu horreysay dacwo ciqaabeed ku oogtay muhaajiriin iyo magangalyo-doon lagu eedeeyay in ay si sharci darro ah uga gudbeen aag ciidan oo dhawaan laga sameeyay xadka koonfureed ee u dhaxeeya Mareykanka iyo Mexico.
Ku dhowaad 28 qof ayaa lagu soo oogay dacwad ah in ay ku xad-gudbid xeerarka amniga, taasoo ah dambiga fudud, balse leh ciqaabo adag.
Sida uu dhigayo xeerka Mareykanka, qof kasta oo ku xadgudba xeerarka amniga waxaa lagu ganaaki karaa illaa $100,000 ama xabsi gaaraya hal sano — ama labadaba.
Maamulka Madaxweyne Donald Trump uu kordhiyay tallaabooyinkiisa ka dhanka ah dadka socdaalka ee doonaya in ay ka soo gudbaan xadka Mexico.