Cabdiraxman Cabdishakuur Oo Ka Xumaaday Kulan Qoor Iyo Madaxwaynayaashii Hore

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahan Musharax Madaxweyne ayaa sheegay in marnaba maqcuul ay aheyn in shir doorasho lala galo Nin weerar ku qaaday hotel ay deganaayeen Madaxweynihii hore ee dalka iyo Guddoomiyi hore ee Baarlamaan oo ula jeedo weerarkii Hotel Maa’ida.

Qoraal uu soo saaray C/raxmaan C/Shakuur ayuu ku sheegay in loo baahan yahay in dalka laga badbaadiyo kala talisnimo iyo natiijadeeda dirir sokeeye, isagoo xusay in waajib Dastuuri ah ay gudnayaan dowlad Goboleedyada diidan in dalku dagaal sokeeye dib ugu noqdo.

Waxaa uu sheegay Siyaasiga in aysan habooneyn in lala kulmo Madaxweyneyaasha Galmudug iyo Hirshabeelle ee Cali Guudlaawe iyo Qoorqoor ilaa iyo inta ay ka cadeynayaan mowqifka ay ka taagan yihiin weerarka lagu qaaday Musharaxiinta Madaxweynaha.
“In dalka laga badbaadiyo kala talisnimo iyo natiijadeeda oo ah dirir sokeeye waa masuuliyada saaran Soomaali oo idil. Haddaba siyaasiyiinta iyo madaxda Dawlad Goboleedyada iyo inta damiirka leh ee diidan dhaqanka kali talisnimada iyo in dalku dagaal sokeeye dib ugu noqdo, waxay guddanayaan waajib wadani ah iyo mid akhlaaqi ah. Ma aha in ay cidna marti uga noqdaan ama uga haybaystaan badbaadinta dalkooda. Taariikhda ayaa xusi doonta” ayuu yiri CC Shakuur.

Sidoo kale waxaa uu intaas qoraalkiisa kusii daray “Ma haboonayn in lala kulmo Guudlaawe iyo Qoorqoor iyagoo aan cadayn mowqif ay ka taagan yihiin weeraradii waxshinimo ee Farmaajo ku qaaday shacabka iyo siyaasiyiinta ay deeganadooda metelaan. Mana aha in ay u ekaysiiyaan in xaalku caadi yahay, lana camiro shirka Farmaajo.

Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh, Sheekh Shariif iyo Kheyre ayaa xalay kulan la qaatay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor, halka Xasan Sheekh uu shalay la kulmay Madaxweyne Cali Guudlaawe.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Nin Masaari Ah Oo Caasho Badhi Tiro Badan Kala Dhoofayay Hargeysa Oo La Qabtay

Bnnstaff Bnnstaff

Abiy Axmed Oo Ka Hadlay Xasuuq La Sheegay In Uu Ka Dhacay Gobolka Tigrayga

Bnnstaff Bnnstaff

Wasiir Maxamed Kaahin Oo Kormeeray Goobaha Diiwaan Galinta Ee Magaalada Burco

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More