Borama News Network

Xildhibaan Ka Tirsan Dalka Kenya Oo Rag Hubaysan Ay Ku Dilayn Magaalada Nairobi

Xildhibaan Charles Ong’ondo oo ka tirsanaa Baarlamaana Kenya ayaa xalay lagu dilay magaalada  Nairobi sida ay Warbaahinta dalkaasi xaqiijisay.

Xildhibaanka ayaa waxaa toogtay labo nin oo ku hubaysan Bastoolad xilli uu gaarigiisa saarnaa. Ragga dilay Xildhibaan ayaa la soo warinayaa in ay saarnaayeen Moota Fekon, kuwaasi oo sida la sheegay  iskaga cararay goobta uu falka ka dhacay.

Booliska ayaa bilaabay baaritaan, iyadoo cabsi laga qabo in dilkan uu horseedo qalalaaso siyaasadeed iyo amni darro oo ka dhacda qeybo kamid ah magaalada Nairobi.

Madaxweynaha Dalka kenya William Ruto ayaa sheegay in uu ka tacsiyadeynaayo dilka Masuulkan loogu geystay gudaha Nairobi.

“Waxaan ka tacsiyadeynayaa geerida Xildhibaan Charles, Samir ilahey haka siiyo isaga iyo qoyskiisa, waxaan farayaa Laamaha amaanka in ay baaritaan dhab ah ku sameeyaan dhacdadan, si dambiilayaasha loola xisaabtamo,” ayuu yiri Madxweynaha Kenya Ruto.

Xildhibaan Charles waxaa laga soo doortaa deegaanka Kasipul-Homabay, isaga oo ka tirsan xisbiga hoggaamiyaha mucaaradka ee dalkaas Raila Odinga. Xildhibaanka ayaa xilliga toogashada waxa uu marayay wadada Ngong, isaga oo markaas ka soo baxay xarunta Baarlamaanka ee dalka Kenya.

Related posts

Shacabka Turkiga oo maanta u dareeraya codbixinta Doorashada Dowladaha Hoose

Abdiaziz Bnnstaff

Dekadda Muqdisho Oo Yeelatay Khad Toos Ah Oo Ay Maraakiibta Ku Soo Gaaraan

Abdiaziz Bnnstaff

“Afar Nin Oo Baasto Looqaadey Istaahil Maha Inaan u Jawaabo” Suldaanka Guud Ee Beesha Subeer Awal Oo Hadlay

Abdiaziz Bnnstaff