Weerar Sobobay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Ka Dhacay Caasimada Dalka Afghanistan Ee Kabul

Ugu yaraan shan qof ayaa geeriyootay laba kalana waa lagu dhaawacay kadib markii qaraxyo kala duwan ay ka dhaceen caasimada Afghanistan ee Kabul,, waxaana maalmihii ugu dambeeyay sii kordhayay tirada weerarada ka dhacaya magaalada. Booliska ayaa sheegay in qof dumar ah ay kamid tahay dadka ku dhintay qaraxyadaasi.

Ilaa hadda lama oga cida fulisay weeraradaan. Kabul waxaa si xowli ah ugu kordhay tirada dilalka qorsheysan ee lagu dilayo dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha bulshada, saraakiisha dowladda , saxafiyiinta iyo dadka rayidka ah.

Wadahadaladii nabadeed ee udhaxeeyey dowladda Afqaanistaan iyo Taalibaan ayaa hakad ku yimid iyadoo maamulka Biden uu dib u eegis ku sameynayo heshiiska ka bixitaanka ciidamada Mareykanka ee Afqanistaan kaas oo la saxiixay sanadkii hore.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

Related posts

Isreal Oo Duqaymo Culus Ka Gaysatay Magaalada Gaza Iyo Khasaaraha Ka Dhashay

Bnnstaff Bnnstaff

Raysal Wasaare Rooble Kulamo Ka Wada Dalka Masar Iyo Nuxurka Kulamadaasi

Bnnstaff Bnnstaff

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Kulamo Xasaasi Ah Ka Wada Dhuusamareeb

Bnnstaff Bnnstaff

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More